BREAKING NEWS
Search

War Degdag Ah: Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Inta U Dhaxaysa Xariirad Iyo Tuulada Habaas

Xariirad(Foore)- dagaal ayaa shalay fiidnimadii ka qarxay inta u dhaxaysa xariirad iyo tuulada habaas, dagaalkan oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa yar yar , inta la og yahay khasaaraha dagaalka waxaa ku dhintay hal qof oo maydkiisana la keenay magaalada xariirad, dagaalkan oo u dhaxeeya laba beelood oo walaalo ah oo isku degaan ah.

Khasaaraha dagaalkan ayaa ilaa hada aanan la sugi karin waxaanay dadka degaanku intan ku darayaan in aanan la ogaan karin inta uu khasaarahu leegyahay taleefanaduna aanay aaga dagaalku ka socdo ka shaqaynayn.

Ma jiraan warar arimahan ku saabsan oo ka soo baxaya dhinaca xukuumada.

Wixii warar dheeraad ah kala soco Foorenews.com




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *