Search

War Deg Deg Ah”Qaab Anshaxa Ka Baxsan Ayay Ciidamo Caawa Noogu Soo Daateen,Waxaanay Kaxaysteen Suldaan Sabeyse” Suldaan Xassan Suldaan Cabdilaahi.

Hargeysa(Foore) – Ciidamo Bilayska Somaliland ka tirsan ayaa caawa u daatay Guriga Xarunta u ah salaadiinta Beelaha Subeyr Awal waxaanay ka kaxaysteen Suldaan Mawliid Cali Sabeysa oo Ka tirsan Salaadiinta Subeyr Awal.
Sida uu noo xaqiijiyey Suldaanka Guud ee Beelaha Subeyr Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay isagoo ku dhex sugan Guriga Subeyr Awal ee Magaalada Hargeysa,waxa uu Suldaanku si kooban noogu sheegay in Ciidamo bilayska Somaliland ka tirsani caawa u soo daateen guriga ay fadhiyeen ee Subeyr Awal ee Agagaarka Huteel Maansoor halkaasi oo ay ka kaxaysteen Suldaan Mawliid Cali Sabeyse.
Suldaanka ayaa waxa uu yidhi “waxa qaab anshaxa ka baxsan noogu soo daatay caawa Ciidamo bilays ah waxaanay noo sheegeen inay u baahan yihiin Suldaan Mawliid,waanay kaxaysteen Suldaanka”.

Suldaan Xasan ayaa sheegay in Arintani dabada ku hayso Hadalo ay Salaadiinta dhawaan kaga hadleen Arimo la xidhiidha Muranka Haamaha shidaalka iyo arimo kale oo xasaasi ah oo ay Xukuumadu dhibsatay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *