BREAKING NEWS
Search

War Deg Deg Ah:Ciidamo Xoogan Oo Caawa Xukuumaddu Ku Daadisay Goobo Kala Duwan Oo Magaalada Hargeysa Ka Mid Ah

Hargeysa(Foore) – Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee ay maanta iska casileen Wasiiradii ugu tirada Badnaa ayaa caawa Ciidamo badan oo hubka noocyadiisa kala duwan ku gaashaaman ku daadisay goobo badan oo ka tirsan Magaalada Hargeysa kuwaasi oo baadhis xoogan ka wada meelaha isgoysyada ah ee ay wadooyinku iskugu yimaadaan.
Ciidamo badan ayaa waxa lagu arkay meelo badan oo ka tirsan Degmooyinka Axmed Dhagax, 26-June iyo Degmada Ibraahim Koodbuur kuwaasi oo fatashaad iyo handidaad ku samaynaya gaadiidka kala duwan ee Caasimada Hargeyska iskaga kala gooshaya. Ciidamadan ayaa shaki weyn ku abuuray shacabka kala duwan ee ku dhaqan Caasimada Hargeysa.
Lama garanayo sababta ay Xukuumaddu Ciidamadan tiradan leh u soo tuushay goobaha isgoysyada ah,waxaana loo malaynayaa in arinta xidhiidh la leedahay Wasiiraddii ugu tirada badnaa ee maanta ka iscasilay Xukuumadda Siilaanyo. Lama sheegin illaa hadda dad loo xidh xidhay arintii maanta dhacday ee ay shacabka Somaliland aadka uga naxeen loona maleeyay inay Xukuumaddi Burburtay.
Warar wixii intaasi ka soo kordha kala soco Foorenews.com




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *