BREAKING NEWS
Search

War Deg-Deg Ah: Axmed Yuusuf Yaasiin Oo Ku Dhawaaqay Inuu Iska Casilay Guddoomiye Ku Xigeenkii Xisbiga UDUB

Hargeysa (Foore)- Guddoomiye ku xigeenkii Xisbiga Mucaaridka ah ee UDUB Md. Axmed Yuusuf Yaasiin ahna madaxweynihii hore ee Somaliland ayaa goordhweyd ku dhawaaqay in uu si rasmi ah iskaga casilay Xilkii Guddoomiye ku xigeenimo ee Xisbiga UDUB.

Md. Axmed Yuusuf Yaasiin waxa uu is-casilaadiisa sabab uga dhigay si uu u badbaado Xisbiga UDUB, waxaanu uu sheegay in Kursigiisa ula guuri-doono Golaha Guurtida oo uu Distoorka Somaliland jidaynayo in Madaxweynaha ama Madaxweyne ku xigeen kasta oo dalka soo maraa uu Xubin Sharafeed ka noqon-doono, waxaanu sidaasi ku sheegay mar uu qaar ka tirsan Saxaafada ku la hadlay Xafiiskiisa maanta oo Khamiis ah.
Wixii war ah ee faahfaahinta arrintan la xidhiidha kala soco shabakadda wararka ee wargeyska Foore Insha allaah.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *