Search

“Wakhti Uu Axmed Siilaanyo Khudbad Akhriyo Tii Ugu Dheerayd Abid Waxa Ay Ahayd 31kii March 1990 Oo Ramadaan Ahayd”… Boobe

“Axmedka Maanta Hal Daqiiqo Dirqo Ku Khudbadaynayaa Ma Ah Axmedkii Shalay Guddoomiyaha Noogu Ahaa SNM”..Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale

Hargeysa (Foore)- Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) ayaa ka hadlay warbaahinta madaxbanaan oo loo diiday inay su’aalo waydiiyaan Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, kaasi oo maalintii darraad safar dalka Itoobiya ah ka soo laabtay. “Waxa timid ta hadalka iyo madaxwaynihii oo saxaafaddu hortaagan tahay oo ama warqad wax ka akhrinaya ama daqiiqad waxaan gaadhin hadlaya, waad tirinaysaa markaad Computerka ka eegayso, xaqiiqadu waxa ay tahay inaanu Axmed, Axmedkii ahayn annaga guddoomiyuu noogu ahaa SNM, annagu Maxamed Siyaad Bare ayaanu u wada shaqaynay oo guriga umadda ayaanu wada deganaynoo” ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.
Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Waddani Boobe Yuusuf Ducaale waxa uu ka sheekeeyay wakhtiyo ay soo wada shaqeeyeen Axmed Siilaanyo iyo khudbado dhaadheer oo uu jeediyay isagoo isbarbar dhig ku sameeyay wakhtigaasi iyo xaaladdan maanta uu Madaxweynuhu ku sugan yahay dhinaca hadalka.
“Wakhtigii uu Axmed Khubad akhriyo taariikhda oo ahayd tii ugu dheerayd waxa ay ahayd 31-kii March 1990kii oo Ramadaan ah oo la fureyay shirwaynihii Balligubadle oo Cabdiraxmaan Axmed Cali Lagu dooranayay oo laba sacaadood iyo badh ayuu hadlay, wax muraayad ah muu xidhnayn, xusuus qorna muu sidan, Axmedkii caynkaa ahaa weeyi ninka maanta miridhka buuxin waayay ee saxaafaddu la yaaban tahay” ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.
Boobe Yusuf Ducaale waxa uu shacabka Reer Somaliland u soo jeediyay inay kala saaran Madaxwaynaha iyo ku xigeenkiisa oo ay doorteen iyo dadka ay xilalka u dhiibteen, waxaanu sheegay in dad la shaqeeyaa doonayaan in dalku sidaasi ahaado oo aan waxba laga waydiin.
“Hadii aynu shacbiga reer Somaliland nahay inagu waxa aynu dooranay Madaxwayne iyo ku xigeen waxa inoo soo raacaa waa golaha wakiilada iyo deegaanka, haddii ay dalkaa wax wanaagsan ka dhaco iyagaa ka masuul ah haddii wax xun ka dhacaana isagaa leh, dadku yaanay lumin oo yaan lagu meeraysanin dad uu isagu xilal u dhiibtay oo doonaya in xaaladdu waligeed sidaa iska ahaato ahaana mayso oo tii alle ayaa qoran” ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale
Warbaahinta Madaxa banaan ee Somaliland ayaa cabasho ka muujisay is hortaag lagala horyimid su’aalo waydiinta Madaxwaynaha Somaliland wakhtiga uu safarada dibada u baxayo iyo xilliyada uu ka soo noqonayo, iyadoo maalintii darraad wariyayaasha madaxabanaan shirjaraa’id oo ay Hargaysa ku qabteen kaga hadlay in laga hor joogsaday inay su’aalo waydiiyaan Madaxwaynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo iyaga oo ku hanjabay in aanay baahin doonin wararkiisa.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *