BREAKING NEWS
Search

Wakaalada Biyaha Oo Lacag Ugu Deeqday Dib U Dhiska Madaarka Burco

Burco (Foore)-Wakaalada Biyaha ee Magaaladda Burco ayaa maanta Ku Wareejisay Gudiga Dib u dhiska Madaarka Burco Lacag dhan sl/sh 9,300,0000 (Sagaal Milyan iyo saddex boqol kun oo shillinka Somaliland) taasi oo ay kaga qayb qaadanayaan dhismaha madaarka magaalada Burco oo haatani maraya meel wanaagsan. Waxa deeqdaasi lagula kala wareegay shalay Xarunta Maamulka Gobolka Togdheer goob joog ka ahaa Badhasaabka Gobolka Togdheer cabdoo axmed aayir ,Masuuliyiinta wakaalada biyaha ee Burco iyo gudiga dib u dhiska madaarka Burco. Ugu Horayn waxaa kulankaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gudiga dib u dhiska madaarka Burco Shiikh Cali Mawliid kaasi oo war bixin dheer ka bixiyay heerka uu haatan marayo dib u dhiska madaarka Burco iyo kaalmooyinka soo gaadhaya Gudigani. Waxaanu Gudoomiyuhu Mahad Celin balaadhan u soo jeediyay in Wakaalada Biyaha ee Burco oo ka mid ah laamaha dawlada ee Gobolka Togdheer inay si degdeg ah uga soo jawaabeen baaqoodii ahaa inay ka qayb qaataan tabaruca loo ururinayo dhismaha madaarka Burco waxaanan ku hanbalyeeyay shaqaalaha wakaalada Biyaha Burco sida muwaadinimada iyo insaanimadu ku dheehantahay ee ay ugu hureen inay mushaharaadkooda kaga qayb galaan hawshani tabaruca ah. Mareeyaha Wakaalada Biyaha ee Burco Ibraahim Yuusuf Diiriye (Jirde) oo isna kulkaasi ka ayaa sheegay in lacagtani ay tahay mid shaqalaha wakaalada Biyaha ee Burco ay isaga jareen sidii ay ugaga qayb qaadanlahaayeen dhismaha madaarka Burco.
“Wakaalada Biyaha ee Burco iyo shaqalaheedu waxay si midaysan mar walba diyaar ugu yihiin inay ka qayb qaataan hawlaha horumarineed ee Gobolka Ka socda waxaana y talaabadani ay tahay mid shaqaaluhu ay iskaga jareen badh ka mid ah Musharahaadkooda kuna taageeraan taaba galinta iyo hirgalinta madaarka Burco oo ah waajib ina wada saran loona baahanyahay in laga wada qayb qaato shacab iyo dawladba,”ayuu yidhi Maareeyaha wakaalada biyaha Burco. Badhasaabka Gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayir oo gabagabdii Kulankaasi ka hadlay ayaa amaan balaadhan u soo jeediyay masuuiyiinta iyo shaqaalaha wakaalada Biyaha ee Burco oo uu xusay inay hore u muujiyeen waxqabdyo la xidhiidha dhanka biyo galinta iyo hagaajinta nidaamka maamul ee wakaladaasi oo mudooyinkii u danbeeyay gaadhay guul wax ku oola. Badhasaabka Togdheer waxa uu intaasi ku daray in Baahida loo qabo Dhamaystirka Madaarka Burco ay tahay mid ku waajibtay Shacbiga Gobolka Togdheer Gudiga haatan gacanta ku haysaana ay yihiin kuwa si hufan u wada hawaha maamul ee deeqaha la soo gaadhsiiyo iyagoo meel kasta oo ay ka filayaan in gacan ay ka heli karaana gaadhsiiyay baaqyada qaadhaan ururinta. Maaha Markii Ugu Horaysay ee deeq noocani kale ah la soo gaadhsiiyo gudiga dib u dhiska madaarka Burco balse waxa ay wakaalada Biyaha ee Magalada Burco ay noqonaysaa Laantii ugu horaysay ee Hayadaha Dawliga ah ee Gobolka Togdheer ee si buuxda hal mar u wada bixisay lacagtii qaadhaanka ahayd ee gudidaasi ku soo qortay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *