Wajiga Qarsoon Iyo Xiisaha Ku Duuggan Taariikhda Saddexda Murashax-Madaxweyne Ee Somaliland- Sooyaalkooda Taariikheed, Da’dooda, Aqoontooda, Khibradooda Shaqo, Hiwaayaddooda Iyo Shakhsiyadda Dhabta Ah Ee Mid Kasta

Hargeysa, November 9, 2017- (Foore)- Guud ahaanba shacabka reer Somaliland waxa ay Isniinta toddobaadkan soo socda u dareeri doonaan doorashada Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen ee qaranka oo markii saddexaad si dimuquraadi ah loo soo dooran doono Madaxweynaha qarankan hogaamin doona shanta sano ee soo socdota. Waxa berri oo Jimce ah gabogabo noqonaya kaambaynkii siyaasadeed ee Xisbiyada qaranka ee tartamayaa muddoda 21-ka maalmood ah ku soo jireen kaasi oo xamaasaddiisu meel sare gaadhay maalmihii ugu dambeeyey. Wargeyska Foore waxa uu labadiisa cadad ee maanta iyo Sabtida uu diiradda ku saari doonaa, akhristayaashiisana la wadaagi doonaa shakhsiyadda, taariikh-nololeedkooda, iyo Guud ahaan macluumaad waafi ah oo ku aaddan saddexda Musharrax ee u taagan doorashada Madaxweyne, kuwaasi oo kala ah Eng. Faysal Cali Xuseen, Mujaahid Muuse Biixi Cabdi iyo Ambassador Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo Cirro loo yaqaano.
Inkasta oo ay in badan oo Bulshada ka mid ahi ka war-hayso aqoon buuxdana u leeyihiin saddexdan nin ee u taagan tartanka madaxweyne, haddana waxa aan isku dayi doonaa in aan isbarbar dhig kooban oo dhinacyo badan leh ku samayno si bulshadu wax badan uga sii ogaato, innaga oo warbixintan ku eegi doona sooyaalkooda taariikheed, min wakhtigii dhalasho, da’dooda, goobaha ay ku dhasheen, heerka tacliintooda, khibradooda shaqo iyo guud ahaan macluumaad xiiso badan oo la xidhiidha shakhsiyadda saddexda murashax iyo noloshooda gaar ahaaneed. Arrimo badan oo ay wadaagaan, kuwo ay ku kala duwan yihiin iyo jidkii ay u soo mareen kursiga ay higsanayaan.
Akhristow, ma ogtahay in Faysal, Muuse Iyo Cabdiraxmaan arrimo badan oo layaab leh ay wadaagaan oo ay isaga mid yihiin halka ay Arrimo badanna aad ugu kala duwan yihiin?,
Ugu horrayn saddexdeena Murashaxa waxa ay dhammaantood ku wada dhasheen Gobolka Maroodi Jeex (Faysal iyo Cabdiraxmaan oo Hargeysa ku dhashay Iyo Muuse Biixi oo Deegmada Faraweyne ku dhashay). Laba ka mid ahi waa isku da’ oo waa Faysal Cali Waraabe iyo Muuse Biixi oo wada dhashay isla sannadkii 1948-kii, halka Cabdiraxmaan Cirro ka yar yahay labadooda Muddo 7 sano ah oo uu isagu dhashay 1955-kii.
Taariikhdooda Dhinaca Tacliinta Iyo Luuqadaha Ay Ku Hadlaan:

Murashax Faysal Cali Waraabe
Faysal Cali Xuseen Waxa uu ku dhashay Magaalada Hareysa ee Caasimadda Somaliland sannadkii 1948-kii, waxbarashadiisii Dusiga Hoose iyo Dhexeba waxa uu ku qaatay Magaalada Hargeysa isaga oo Dugsigiisii sarena ku soo qaatay Dugsiga Cammuud ee Magaalada Boorama, 1965-kii illaa 1968-kiin waxa uu ka qalin jabiyey Machadkii Tababarka Macalimiinta ee Af-gooye ee dawladdii Soomaaliya. Intaa kadib sannadkii 1968-kii illaa 1973-kii waxa uu waxbarasho Jaamacadeed ku soo qaatay Magaalada Leningrad ee Waddanka Ruushka isaga oo shahaadada Degree-ga ku diyaariyey Culuumta Injineerinka gaar ahaan qaybta dhismaha. Muddo kadib Burburkii dawladdii Soomaaliya kadib waxa uu Jaamacadda Helsinki ee dalka Finland ku diyaariyey Shahaadada sare ee xidhiidhka Caalamiga ah.

Murashax Muuse Biixi Cabdi
Waxa uu ku dhashay Deegaan dhinaca hoose ka xiga degmada Faraweyne oo ka tirsan Gobolka Maroodijeex, waxa uu ku koray oo ku barbaaray Magaalada Hargeysa Dugsiga Hoose Iyo Dhexe waxa uu ka dhammaystay Dugsiga caanka ah ee Biyo Dhacay Hargeysa, Dugsigii sarena waxa uu ka dhammaystay Cammuud oo Boorama ah, Muuse Biixi waxa sannadkii 1970-kii loo diray oo uu ka mid noqday ciidamadii loo tababarayay ciidamada cirka ee Milatarigii Soomaaliya. Waxa uu ku soo tababartay duulimaadka iyo duqaynta diyaarad wax duqaysa oo nooceduu ahaa L28. Waxaanu aqoontaasi dhinaca Milatariga ka gaadhay Kornayl.

Isaga oo Kornayl ah ayaa mar kale waxbarasho loogu diray Maraykanka isaga oo sii qaatay culuumta Milatariga guud ahaan iyo gaar ahaan ciidamada cirka. Intii dalka lagu soo noqday waxa uu shahaadada heerka labaad ku qaatay Aqoonta xallinta Khilaafaadka iyo dhismaha nabadda oo uu ka qalin jabiyay Jaamacadda Hargeysa. Dhinaca Luuqadaha Qalaad Mujaahid Muuse Biixi Cabdi waxa uu ku hadlaa luuqadda Ingiriisida.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)
Waxa uu sannadkii 1955-kii ku dhashay Magaalada Hargeysa, kadib waxa uu yaraantiisii ku soo koray Magaalada Berbera isaga oo Tacliintiisii Hoose iyo Dhexeba ku qaatay Magaalada Berbara halka uu Dugsigiisii sarena ku qaatay Dugsigii caanka ahaa ee Sheekh. Shahaadada MBA waxa uu ku qaatay Machadkii caanka ahaa ee SIDAM ee Magaalada Muqdisho.

Shahaadada heerka Degree-ga waxa uu ku qaatay waddanka Masar (institute of National Planning). Shahaadada heerka labaad ee Masters waxa uu ku qaatay Caasimadda Waddanka Ruushka ee Moscow, sannadkii 1983-kii. Mar kale Degree labaad waxa uu ku qaatay dalka Maraykanka gaar ahaan Jaamacad ku taalla Gobolka California, isaga oo isla dalkaasi mar kale ku qaatay shahaadada heerka labaad oo ah Master of Business. Dhinaca Luuqadaha qalaad waxa uu si fiican ugu hadlaa Luuqadaha Ruushka, Finish-ka, Carabiga iyo Ingiriisida.
..La Soco Qaybo Xiiso Leh Iyo Cadadka Sabtida




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *