BREAKING NEWS
Search

Wajiga Dhabta Ah Ee Warbixinta Wikileaks Iyo Aragtidii Maxamed Cumar Carte Maraykanka Ka Siiyay Sida Somaliland Uga Gudbi Karto Khilaafkii Rayaale Iyo Mucaaradka

Hargeysa (Foore) Sida laga warqabo waxaa cadadkii shalay ee wargeyska Jamhuuriya kusoo baxay war ku saabsan xidhiidh wargeysku ka dhaxaysiiyay war bixin hore loogu shaaciyay bartafaafisa wararka sirta ah ee Wikileaks oo ka dhan ahaa Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee urur siyaasadeedka DAMAL Md. Maxamed Cumar Carte, Kaas oo wargeysku xusay inuu si qarsoodi ah u siin jirey Maraykanka warar ka dhan ah dalka Somaliland. Wararka arrintan la xidhiidha ayay noo suurta gashay in aanu wax ka ogaano xaqiiqada dhabta ah ee uu xambaarsanaa nuxurka qoraalkaasi, iyada oo wargeysku isku xidhiidhiyey warbixintan iyo ku dhawaaqista urur siyaasasdeedka DAMAL oo uu guddoomiye ku meel gaadh ah ka yahay masuulka qoraalkaasi ku waajahnaa. Warbixintan Wikileaks baahisay oo Foore nuqul ka mid ah helay muddo laga joogo 7 bilood ka hor ayaan ahayn mid sir ah balse soo baxday sannadii 2009, sida ku cad warbixinta qoraalka lasoo xigtey oo ku qoran luuqada afka ingiriisiga.

 

Xaqiiqada dhabta ah ee Warbixinta:

Qoraalka uu soo xigtay wargeyska Jamhuuriya oo sumaddiisu u qoran tahay sidan: O9NAIROBI1791, isla markaana ku taariikhaysan sannadkii 2009 oo uu qoray Bob Patterson oo ah wakiilka arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya ee safaaradda Nairobi uu ku leeyahay waddanka Maraykanku ayaa waxaa uu ku tusayaa xaqiiqooyin iyo nuxur gabi haaanba ka duwan kan uu soo qoray wargeyska Jamhuuriya. Warbixintaasi waxay si guud mar ah u sheegeysaa in Wadanka Maraykanka iyo beesha caalamkuba ay warwar ka qabeen xaaladdii is-marin waaga ahayd ee uu dalku galay iyo saamaynta ay keeni karto muranadii dheeraaday ee siyaasadeed ee ku saabsanaa qabashada doorashooyinka iyo go’aankii dalka lagaga eryey hay’addii Interpeace.

Warbixintu waxay sheegeysaa inay dawladda Maraykanku aad u xiisaynaysay aragtida aqoonyahanka Somaliland ee ku saabsanayd qabsoomida doorashooyinkii dib-u-dhaca badani ku yimid. Aqoonyahano fara badan oo warbixinta ku cad oo qaarkood xilal ka hayeen xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale, waxa ay tibaaxeen inaanay ku qanacsanayn mawqifyadii xukuumaddii wakhtigaasi qaadatay isla markaana waxay ku taliyeen in xooga la saaro qabashada doorashada madaxtooyada iyadoo laga fogaanayo wax kasta oo khatar galin kara midnimada, degenaanshaha iyo amniga dalka. Iyadoo taas ay ka duulayaan aqoonyahanadii talada laga waydiiyey arrimhaasi ayay ku taliyeen inaan lagu dag-dagin xil-ka-xayuubintii ay xisbiyada mucaaridku ku doodayeen inay haboon tahay in madaxweyne Rayaale xilka lagaga qaado, maadaama uu dalka galiyay qalalaase siyaasadeed oo saamayn ku yeelan kara xaaladda nabad gelyo ee dalka.

 

Sida warbixinta ku cad, Maxamed Cumar Carte oo ka mid ahaa dadkii aragtidiisa laga waydiiyay sida ay ula muuqato in dalku xal ku gaadhi karo ayaa waxa uu ka digay inaan xil-ka-xayuubinta madaxweyne Daahir Rayaale xal ahayn, balse ay xal tahay in beesha caalamku culays saarto guud ahaan xukuumaddii wakhtigaas, gaar ahaanna xubnihii madaxweyne Daahir Rayaale aad ugu dhawdhawaa si loogu qancin karo in dalka laga qabto doorashooyin xor iyo xalaal ah, arrintaasi oo ahayd xalka kali ah ee lagaga baaqsan karo qalaalaase siyaasadeed oo dalku galo maadaama xisbiyadi mucaaradka ahaa ee wakhtigaasi meel adag ka taagnaayeen qorshayaashii Xukuumadda Rayaale.

 

Sida ku xusan warbixinta oo ka kooban lix bog waxay cadaynaysaa in Maxamed Cumar Carte ka mid ahaa dadkii la weydiiyey talooyinkii wadanka lagu badbaadin lahaa iyo mawqifkii ay beesha caalamku ka qaadan lahayd xasilooni daradii Somaliland kaga iman kareysey doorashooyinkii dib-u-dhaca badani ku yimid iyo mawqifyadii ad adkaa ee ay axsaabtu ka qaateen arrimahan.

 

Aragtidaas oo markii dambe ay beesha caalamku ku qanacday isla markaana ahaa kii lagu badbaaday ee ay ka yimaadeen 6-dii qoddob ee lagu heshiiyey in doorashada lagu qabto.

Nuxurka qoraalka aan soo sheegnay sidoo kale waxa uu daah fur ku samaynayaa awoodihii wakhtigaasi ku hareeraysnaa madaxweynihii dalka taladiisa hayay ee Daahir Rayaale Kaahin iyo dadkii saamaynta ugu badan ku lahaa talada dalka ee garabkiisa taagnaa oo ay mid mid u xusayso, iyada oo aanay guud ahaan meelna kaga caddayn xidhiidh u dhaxeeyey xukuumadda Maraykanka iyo Md. Maxamed Cumar Carte oo warbixinta Wargaysku isku xidhiidhisay.     




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *