Search

Wajaale: Magaalo Kooto Ugu Xidhan Sarif layaasha Dollarka.

Magaalada Tog-Wajaale oo kutaala xuduuda u dhaxaysa Somaliland iyo Ethiopia islamarkaana ah magaalo ganacsi kala duwani ka socdo aadna wax loogu kala gato. Hadaba waxa jirta ganacsato ka baayac mustara sarifka lacagaha qalaad sida Dollarka iyo lacagta Birta ah ee Ethiopia, taasi oo ay kadhigaan sarifka lacagaha marba sida ay doonaan iyada oo ay meesha kamaqantahay kantaroolkii dawladnimo sidoo kalana bulshada kudhaqan magaalada Tog-Wajaale ay ku qabto dhibaato uga timaada sixir bararka ay abuurayaan sariflayaasha doolarka.4722444

Hadaba waxa jirta todobaadkii u danbeeyey in ganacsigii magaaladu istaago oo waxba lakala iibsan kari waayo, taasoo oo markii hore boqolka dollar ahaa 1870 bir imikana uu marayo 2050 Bir iyadoo farqiga intaaleeg ee kordhay uu maceeshadii ku biiray hadaba waxa jirta in bulshadii danyarta ahayd ee kunoolayd magaalada ay waxba iibsan kari waayaan sababo laxidhiidha sixir bararka.

Xukuumada Somaliland waxaan ka codsanaynaa inay umada kasoo gaadho sarilayaashan arxanka daranleh ee aan u damqanayn dadka danyarta ah kana fikiraya sidii ay macaash badan u heli lahaayeen maalin walba waxa kale oo jirta in lacagihii Dollarka ahaa ee wajaale lugu safri jiray loo leexiyey muqdisho halkaasna ay ka samaysantay shabakad xidhiidhsan muqdisho ilaa wajaale taasi oo sababi karta inay noloshii dadwaynuhu meesha kabaxdo mar aan booqday dadwaynaha reer tog wajaale waxay ii sheegeen qaar kamid ahi qoysaska danyarta ah inay noloshoodii cidhiidhi ku`jirto quutal-daruurigii magaalada ay ka heli jireena istaagay markii waxba lakala iibsan waayey hadaba waxaan xukuumada ku war galinaynaa in kooxdaa budhcad sarifeedka ah ka soo gaadho dadwaynaha `

Alla Mahad leh by Sacad Maxamuud Cige [Tog wajaale, Somaliland]




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *