BREAKING NEWS
Search

Wajaale : Degmo Maamul xumo ragaadisay,Gudoomiyaha oo inta badan Hargeysa Jooga iyo Xoghayihii D/ Hoose oo shaqadii iska casilay.

Wajaale [foore] Degmada wajaale oo maamul ahaan hoostimaada Gobolka Gabiley islamarkaana ku taala xuduudda dhinaca galbeed ee Somaliland iyo Ethiopia ayaa la daalaa dhacaysa maamul xumo ilaa xad ah, sida uu wariye madax bannaani oo jooga magaalada Wajaale ku soo waramayo, waxaa wiiqmay arimihii bulshada oo maalinba maalinta ka danbaysa ka sii daraya sida caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha oo gabaabsi ah.
Dadka ku nool magaalada Wajaale ayaa dhawr jeer laga dayriyay biyaha ay cabaan oo laga soo dhaamiyo balayada oo sida ay dhakhaartiirtu sheegeen halis u ah cudurka malaariyada [duumada] waxaan markii danbe biyaha cabitaanka loo isticmaalo loo soo doonan jiray ceelka Botor ee Gabiley dusheeda.
Xoghayihii dawlada hoose ayaa iskii isku casilay iyadoo sida uu sheegay shaqo meel kale ka helay. Xoghayan ayaa sida la sheegay gudoomiyaha dhawr jeer ay is qabteen waxaana la sheegay in is qabsigoodu ku qotamay isagoo gudoomiyuhu inta badan magaalada Hargaysa joogay hawshiina keli ku noqotay xoghayaha.
Gudoomiyaha Degmada Wajaale Xashi Mux,ed Cabdi ayaa sida lasheegay inta badan wuxuu joogaa Caasimada Hargeysa warku waxaa uu intaa ku darayaa inuu xafiiskiisu intabadan xidhayahay. Gudoomiyaha Degmada Wajaale ayaa waxaa uu ku talaabsaday nidaam ka gadisan Degmooyinka dhigiisa ah. Waxaa uu sameeyay gudo 16 ka kooban oo ka caawisa xaga maamulka islamarkaana uu ku magacaabay gudida horumarinta magaalada wajaale.
Gudidan ayaa la sheegay inay qaarkood saluugeen dhugashada gudoomiyaha xaga soo jeedimahooda oo mid ka mid ah oo uu kula kulmay Wajaale u sheegeen wariyaha in dhawr jeer oo ay usoo jeediyeen wax hurumar leh sidii ay rabeen aanu u qaadan waxaanu sheegey in mudo laba bilood ah aanay kulmin Gudoomiyaha oo badi iskaga maqan xafiiskiisa.
Shacabka degan degmada wajaale ayaa muujiyay saluug ay ka qabaan hogaanka maamul ee degmada iyo baahiyo hor leh oo loo qabo in la bedalo, wariye xalay booqday magaladaasi ayaa waxaa uu sheegay gudoomiyaha degmada wajaale oo xilka loo dhaariyay markii xisbiga kulmiye wadanka qabsaday aanu keenin wax isbedal ah oo uu kula jaan qaado wadanka intiisa kale, waxaa kale oo uu wariyuhu sheegay in dib uhabayn lagu sameeyay dhawaan wadooyinka magaalada wajaale dhexmara qabyo noqdeen oo aan la dhamaystirin kuwaasoo lacag badan dawladu ku bixisay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *