BREAKING NEWS
Search

Waftigii Wasiirka Gaashaan-Dhiggu Hogaaminayay Oo Gaadhay Degmooyinka Badhan Iyo Dhahar

Dhahar (Foore)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Mudane Axmed X. Cali Cadami iyo Wasiirka Horumarinta miyiga & Degaanka Maxamuud Siciid Gacamey oo maalmihii u danbeeyay safar shaqo ku joogey caasimadda gobolka Sanaag ee Magaaladda Ceerigaabo habeen hore fiidkii gaadhay Magaalooyinka Badhan iyo Dhahar oo labadduba ka mid ah degmooyinka Sanaag Bari ee Somaliland.

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Mr Axmed X. Cali Cadami, oo ay weheliyaan masuuliyiin ka soo jeedda Degmooyinka Badhan iyo Hadaaftimo ayaa iyagu u kicitimay Magaaladda Badhan, halka uu Wasiirka Horumarinta miyiga & Degaanka Somaliland Maxamuud Siciid Gacamey iyo Madax dhaqameedyo kallena ay u kicitimeen Deegaanka Dhahar ee isla gobolka Sanaag. Balse Wasiirka Gaashandhiga Somaliland ayaa intii aanuu gaadhin Degmadda Badhan waxa uu la kulmay Rasaas iyo koox maleeshiyo ah taabacsan Maamulka Puntland kuwaas oo ku sugan Duleedka Magaaladda Badhan.

Wasiir Cadami iyo waftigii uu hogaaminayay wax ay dib ugu soo noqdeen Magaaladda Hadaaftimo waxana ay kulamo isla markiiba la yeesheen odayaasha deegaankaas isaga oo wasiir cadami ka codsadey odayaasha deegaankaas in laga qaaddo ciidanka Deegaanka Badhan, madaama uu Wasiirka Gaashandhigu yahay Masuul ka soo jeedda deegaanadda Sanaag Bari. Dood dheer iyo kulmo kala gadisan kadib waxa laysku afgartay in Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Mudane Axmed X. Cali Cadami, iyo waftigiisu tagaan Magaaladda Badhan, halkaas oo uu wakhtigan ku sugan yahay Wasiirku. Dhanka kale Wasiirka Horumarinta miyiga iyo Degaanka Maxamuud Siciid Gacamey ayaa gaadhey Magaaladda Dhahar, waxaana si weyn loogu soo dhoweeyay wasiirka, isaga oo aan la kulmin wax carqalad ah.

Wararku wax ay sheegayaan in Wasiirka horumarinta Miyigu kulamo kala gadisan la yeeshay odayaasha deegaanka Dahar.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *