Wafti Ka Socday Dallada Dhanliyarada Somaliland Ee SONYO Oo Dalka Ku Soo Laabtay Ka Dib Socdaal Ay Ku Tageen Dalka Djabouti

Hargeysa(Foore):- Wafti sare oo ka socday Golihii hore iyo kan cusub ee Dalladda ay ku midoobeen dhalinyarada reer Somaliland ee SONYO oo mudo todobaad ah booqasho shaqo ku joogay dalka Djibouti ayaa maanta dalka dib ugu soo guryo noqday, kuwaas oo ka warbixiyey nuxurka kulamo ay dalkaas kula yeesheen Saraakiil ka tirsan Wadanka Djibouti iyo safiirada dalalka Faransiiska, Turkiga iyo Jaban u fadhiya Caasimadda Djibouti.
Waftigaas Dalladda SONYO ka socday ayaa waxay sidaas ku sheegay markii ay ka soo degeen Madaarka Caalamiga ah ee Magaalada Hargeysa ee Egal International Airport, kuwaas oo qolka VIP ee Madaarkaas Warbaahinta ugu soo bandhigay nuxurka socdaalkoodaas oo ay sheegeen inuu guul ku soo dhamaaday, isla markaana ay soo yagleeleen xidhiidh mihiim ah oo imika wixii ka danbeeya ay yeelan doonaan dhalinyarada Somaliland iyo kuwa Djibouti.

Ugu horayn waxa madashaasi hadal kooban ka jeediyey oo ka xog-waramay wixii ay kala kulmeen mudadii todobaadka ahayd dalkaas Agaasimaha Dalladda SONYO Siciid Maxamed Axmed, kaas oo xusay in si wayn loogu soo dhaweeyey dalka Djibouti, isla markaana sheegay inuu socdaalkoodaasi uu ku soo dhamaaday guul. Agaasime Siciid Maxamed oo arimahaas si kooban uga hadlayaana, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay ?Runtii waxa noo farxad ah waftigayagan sare ee ka socda dallada dhalinyarada Somaliland ee SONYO ee booqashada shaqo ugu maqnaa dalka aynu walaalaha iyo jaarka nahay ee Djibouti, waxaanan ugu horayn u mahadnaqayaa Ilaahay, mar labaad waxaan u mahad celinayaa Jaaliyada reer ee ku nool dalka Djibouti iyo dhamaan madaxdii iyo dadkii sida wayn noogu soo dhaweeyey dalkaas, kuwaas oo aanu leenahay waanu idiin haynaa ixtiraamkaas, waxaananu runtii diyaar u nahay inaanu abuurno xidhiidh wada-shaqayneed oo isku xidha dhalinyarada Somalililand iyo dhalinyarada walaalaheen reer Djibouti. Waxa kale oo aan aad ugu mahad naqayaa dhamaan dadka halkan nagu soo dhaweeyey?.
Sidoo kale waxa isaguna halkaas ka hadlay Axmed Abokor Maxamed oo ka mid ahaa Golihii Sare ee Dallada dhalinyarada Somaliland ee SONYO oo isaga lagu ixtiraamay inuu waftigaas hogaamiyo, kuna hadlayey afka Waftigaas maadaama oo golihii hore ay soo qabanqaabiyeen socdaalkaas shaqo ayaa isagu ka waramay ujeedada socdaalkooda iyo waxay kala soo kulmeen dalka Djibouti oo ay mudo todobaad ah booqasho shaqo ku joogeen, waxaanu yidhi ?Waxaanu socdaal shaqo ku joognay mudo todobaad ah dalka Djibouti anaga oo ka soconay dallada dhalinyarada Somaliland ay ku midoobeen ee heer gobol ee SONYO, waxaananu waftigayagani ka koobanahay golaha cusub iyo kii hore ee Dallada SONYO. Runtii ujeedada socdaalkayagan sida aanu markii horeba u sheegnay Warbaahinta waxa uu ahaa inaanu samayno xidhiidh adag oo ka dhaxeeya dhalinyarada Djibouti iyo dhalinyarada Somaliland, sidoo kalena aanu SONYO u samayno Saaxiibo iyo xidhiidh Caalami ah oo u suurta galiya in hirgaliso Barnaamijyada dhalinyarada iyo kobcinta arimaha dhalinyarada Somaliland. Safarkayagan aanu Djibouti noogu soo dhaweeyey oo aan ugu horayn u mahad naqaynaa Jaaliyada reer Somaliland ee dalka Djibouti dagan oo runtii noo qaabilay si wayn oo meeqaam sare leh, waxa kale oo aanu u mahad naqaynaa Safiirka Somaliland u fadhiya Djibouti oo isaguna si wayn noogu soo dhaweeyey dalkaas oo waxyaabo badana noo fududeeyey, iyo guud ahaan dawladda Djibouti oo dabcan si diiran noogu soo dhawaysay dalkeeda?.

?Mudadii aanu Djibouti ku sugnayn waxa aanu la kulanay Safaarado dhawr ah oo ay ka mid tahay Safaarada Faransiiska ee dalkaas ku taala, Qunsulka Turkiga u fadhiya Djibouti, waxa kale oo aanu la kulanay Wakiilada Safaarada Jaban u jooga Magaalada Djibouti. Run ahaantii kulamadaas aanu la yeelanay Safaaradahaasi waxay ahaayeen qaar ku taxaluqa horumarinta arimaha dhalinyarad bulshadda oo aanu runtii wax badan kala hadalnay iyo sidii ay dalalkaasi Somaliland ugu samayn lahaayeen Taakulayn dhinaca horumarinta arimaha Bulshadda, taas oo aanu masuuliyiinta Safaaradahaas aanu kala hadalnay sidii dalalkoodu ay Somaliland u Maalgashan lahaayeen, isla markaana ay Somaliland uga caawin lahaayeen arimaha Bulshadda. Runtii Saraakiishaasi aad ayey noo soo dhaweeyeen oo waxay noo balanqaadeen inay dalka iman doonaan oo ay indho-indhayn doonaan waxyaabaha ay inaga caawin karaan. Waxa kale oo aanu is Diblo-masiyiintaas is waydaarsanay Afkaar ku saabsan qaabka ugu haboon ee lagu horumarin karo dhalinyarada Somaliland, kuwaas oo balanqaaday inay Wadamadooda ku casuumi doonaan dhalinyarada Somaliland iyo cidkasta oo ay khusayso?. Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu yidhi ?Waxa aanu sidoo kale la kulanay ganacsata reer Djibouti ee Somaliland iyo dalkaasba ka shaqeeya oo aanu iyagana kala hadalnay inay horumarinta dhalinyarada dalka ka qaybqaataan,waxaanan si gaar ah ugu mahadnaqaynaa ganacsatada reer Djibouti gaar ahaa Ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo ah Mulkiilaha shirkadda Cismaan Geelle Faarax ama GSK oo isagu si diiran noogu soo dhaweeyey dalkaas, isla markaana aanu afkaar badan is waydaarsanay, kaas oo noo balanqaaday inuu dhalinyarada Somaliland si gaar ah ugu gaysan doono tabarucaad iyo taakulayn si ay u gaadhaan Hamigooda. Waxa kale oo aanu sidoo kale la kulanay oo aanu u mahad naqaynaa ganacsadaha wayn ee Maxamed Aw Siciid Geedi oo isaguna soo dhawayn diiran aanu kala kulanay, waxa kale oo aanu la kulanay Dallada isku xidha Ganacsatada Djibouti oo la yidhaahdo Somali Business Comers oo aanu la kulanay Xoghayahooda Guud ee Mr Ridwaan iyo golahooda sare oo runtii si wayn noo soo dhaweeyey, isla markaana balanqaaday in Mashaariicda ay SONYO fuliso ee wax luugu qabto dhalinyarada ay gacan ka gaysan doonaan. Guud ahaan hadii aanu soo koobno safarkayagii aanu Djibouti ku tagnay waxa aanu aad ugu faraxsanahay ujeedooyinkii aanu ka lahayn iyo qaar ka sareeyaba inaanu gaadhnay, isla markaana aanu seeska u soo dhignay xidhiidh dhumuc-wayn oo u dhaxayn doona dhalinyarada labada dal?.

?Ugu danbayn waxa aanu mahad celin wayn u diraynaa Dawladda Djibouti oo aanu kala kulanay soo dhawayn meeqaamkeedu sareeyo oo madaxa na saartay, na tusayna walaal-nimo iyo sida ay u danaynayaan xidhiidhka dhalinyarada labada dal, taas oo aanu guud Madaxdii dalkaas ee aanu la kulanay oo ay ka mid ahaayeen Xildhibaano, Xoghayaha Guud ee Xafiiska Madaxtooyada Djibouti oo aanu uga mahadnaqayno, kuwaas oo dhamaantood naga balanqaaday inay wax badan ka qaban doonaan Barnaamijyada lagu horumarinayo dhalinyarada reer Somaliland, markaa nuxurka ujeedada socdaalkayaga Djibouti waxa uu ku koobnaa oo aanu soo samaynay Xidhiidh Mustaqbal oo waxwayn u tari doona dhalinyarada Somaliland iyo Djibouti?.
Sidoo kale Guddoomiye ku xigeenka Dalladda dhalinyarada Somaliland ee heer qaran ee SONYO Mustafe Maxamed Daahir isagu soo dhaweeyey waftigaas SONYO ee dalka Djibouti ka soo guryo noqday ayaa u mahadnaqay dhamaan Jaaliyada reer Somaliland ee dalkaas iyo Dawladda Djibouti iyo cidkasta oo waftigooda ku soo dhawaysay dalka Jamhuuriyadda Djibouti, kaas oo sheegay in socdaalkan Waftigooda ee soo noqday ay soo qabteen hawlqaran oo faa?ido u wada leh dhamaan dhalinyarada labada dal ee Somaliland iyo Djibouti.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *