Wafti Ka Socda Kooxda Khaatumo Oo Safar Ku Yimid Jigjiga Iyo Saamaynta Arrintaasi Ku Yeelan Karto Xidhiidhkii Somaliland Iyo Itoobiya

Jigjiga (Foore)- Wafti ay hogaaminayaan kooxda nabad diidka ah ee isku magacaaba Khaatumo ayaa shalay gaadhay caasimadda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga. Waftigan oo ka soo kicitimay dhanka magaalada Buuhoodle oo ay muddoba ku sugnaayeen ayaa shalay soo dhaweyn kala kulmay xukuumadda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Warka aanu waftigan ka helayno ayaa sheegaya in waftigaasi uu hogaaminayo mid ka mid ah hogaamiyayaasha kooxda Khaatumo oo u weheliyo. Inkasta oo aau xaqiijin in uu waftiga safarkan Jigjiga ku tahay ka mid ahaa dagaal ooge Cali Khaliif Galaydh.

Dhinaca kale waxa waftigan ka mid ahaa sida warkani sheegayo Isimo ka soo jeeda deegaanada Buuhoodle iyo Laascaanood iyo xubno isku sheegay G9.

Waftiga ayaa la dejiyay hudheelo ku yaalla magaalada Jigjiga iyada oo ammaankooda aad loo adkeeyey waxaanay wada hadalo hor dhac ah shalayba la yeesheen qaar ka mid ah masuuliyiinta xukuumadda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Kulankaasi oo aan saxaafadda loo ogolayn ayaan ilaa hadda la garanayn waxa ay labada dhinac ka wada hadleen. Waftigan kooxda Khaatumo ayaa la sheegayaa in ay Jigjiga muddo todobaad ah ku suganaan doonaan iyaga oo safarkoodu toos ula xidhiidho marti qaad rasmi ah oo ay ka heleen hogaamiyaha is maamulka kililka shanaad ee Itoobiya Cabdi Maxamud Cumar (Iley).

Arrinta waftigan ayaa toos uga hor imanaysa xidhiidhkii iskaashiga nabad gelyo ee u dhaxeeyay xukuumadda Somaliland iyo Itoobiya ee muddada badan u dhaxeeyey labada dhinac. Maadaama kooxda Khaatumo xaalad nabad gelyo darro ku soo kordhisay Somaliland oo lagu majeerto nabad gelyo iyo deganaansho. Lama oga go’aanka rasmiga ah iyo aragtida diblomaasiyadeed ee xukuumadda Siilaanyo ka qaadan doonto safarkan kooxda nabad diidka ahi ku yimaadeen caasimadda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.





Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *