Search

WADDANI Oo Xaflad La Isku Arkay Ku Soo Bandhigay Barnaamij Siyaasadeedka Ay Dalka Ku Dhiqi Doonaan Haddii Ay Talada Ku Guulaystaan

Nuxurka Qabyo-qoraalka Barnaamijka Siyaasadeed Oo Dadka Soo Jiitay Sheegayna In WADDANI Dalka Ku Hagi Doono Wax Wada Lahaan

Hargeysa (Foore) -Xaflad meeqaam sare leh oo ballaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay isla markaana lagu soo bandhigay barnaamij siyaasadeedka uu xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uu ku geli doono doorashoyinka la filaayo in ay dalka ka qabsoomaan horraanta 2017ka, ayaa Shalay lagu qabtay Magaalada Hargeysa waxaana ka soo qayb galay dad aad u tiro badan oo aad u danaynayay inay wax ka ogaadaan Siyaasada WADDANI haddii uu dalka ku guulaysto.
Waxa Xafladdan ka soo qeyb-galay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Ahna hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Hoggaanada xisbiga, Guddida fulinta, Garabbada Haweenka iyo Dhallinyarta Xisbiga WADDANI, Xildhibbaano Ka tirsan Golayaasha Baarlamaanka, Mas’uuliyiinta iyo Ardayda Jaamacadaha dalka Wax ka barata, madax-dhaqameedyo, wax-garad, aqoonyahan, Culimo-Awdiin, Ganacsato, iyo Taageerayaal kale oo aad u tira badan.
Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan Cirro, oo ugu horeyn furay munaasibaddii shirka, ayaa si sheegay in barnaamijkan uu soo bandhigaayo xisbiga WADDANI aanu ahayn mid ka yimi fikir gaara oo cid kali ahi iska leedahay, waxaana uu tilmaamay in laga soo uruuriyey garaadka iyo afkaarta kala duwan ee dhammaanba qeybaha kala duwan ee bulshada Somaliland, isaga oo carabka ku dhuftay in barnaamijkani uu guud ahaan dalka u horseedi doono horumar, caddaalad, sinnaan iyo in ay Somaliland bulshada caalamka ka hesho ictiraaf buuxa.
Waxa uu Gudoomiye Cirro Isagoo Arintaasi ka hadlaya uu yidhi “Barnaamijkani maaha fiker qof keliya ka yimid, waa isu-geynta garaadkeenna iyo afkaarteenna, cidii aan hore uga dhiiban fikirkooda gacmo furan baan lagu soo dhaweeynayaa ka qayb qaadashadooda, waana u furan tahay dhamaan xubnaha iyo taageerayasha xisbiga iyo shacbi weynaha reer Somaliland, waa badeecad aan wada leenahay.”.Ayuu yidhi gudoomiye Cirro.
Md.Cabdiraxmaan Cirro, waxaa kale oo uu tilmaamay in barnaamijka xisbiga WADDANI uu ku salaysan yahay mabaadiida guud ee dhaqanka Somaliland iyo sida oo kale illaalinta diinta Islaamka, waxaana uu yidhi:“Barnaamijka siyaasiga ah ee Xisbiga WADDANI waxa uu ku saleysan yahay mabaadiida Guud ee xisbigu ku dhisan yahay oo u badbaadinta shacbigiisa hantidiisa ugu qaalisan oo ah dhaqankiisa wanaagsan iyo diintiisa Islaamka . Waxa uu u dhisayaa qaran iyo shacbi mideysan oo ka fayow qabyaalad iyo qayb sooc. Barnaamijku wuxuu dalka ku hogaamin doonaa cadaalad, horumar iyo ictiraaf.”.
Sidoo kale waxa Xafladasi hadalo ka soo jeediyay Xoghaya Warfaafinta Xisbiga WADDANI Boobe Yuusuf Ducaale,Xoghaya Arimaha Dibada Xisbiga WADDANI Maxamed Cismaan Fadal,Lataliyaha Arimaha Dibada Marwo Faadumo Siciid,Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble,Qaar ka tirsan Gudoomiyayaasha Gobolada ee Xisbiga WADDANI iyo Muuliyiin kale,waxa ay dhamaantood ku dheeraadeen siyaasada Xisbigaasi ku hagi doono dalka haddii uu dalka ku guulaysto. Waxa ay sidoo kale si adag uga hadleen oo ay bulshada u balan qaadeen inaanu Xisbiga WADDANI ka leexan doonin Barnaamijkiisa siyaasadeed,islamarkaana uu fulin doono balan qaad kasta oo uu bulshada u qaado inta ay tartanka ka qayb qaadanayaan.
Ugu dambayn waxa masrixii Xafladaasi ka socota ay Fanaaniinta Xisbiga WADDANI ku soo bandhnigeen riwaayad iyo majaajilo aad loogu qoslay oo lagu dacaayadaynayo Xukuumadda Xisbiga KULMIYE,sida dantii guud loo xaraashay iyo sida ay da’yartii iyo xoogii dalkani lahaa badaha ugu leedeen,waxay sidoo kale fanaaniintaasi Masrixiyada ay soo bandhigeen ku muujiyeen dhagax dhiga faraha badan ee Xukuumadda Kulmiye Samaysay iyo sida aanay uga dhabayn ee ay u ilawday.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *