Search

WADDANI Oo Mid Mid U Taxay Hanti Ay Ku Eedeeyeen In Xukuumaddu Iibisay Iyo Kuwa U Qorshaysan, Baaqna U Diray Shacabka

“Ictiraafkii Somaliland Qarka U Saarnayd Waxa Uu Baaba’ay Intii KULMIYE Talada Hayay Dalkiina Wuu Wada Iibiyey”…. Faadumo Siciid

Hargeysa (Foore)- Marwo Faadumo Siciid Ibraahim oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa sheegtay in umadda Somaliland walaac weyn ka qabaan xaaladda wakhtigan dalku ku sugan yahay oo ay ku tilmaantay mid aad u liita, musuqmaasuquna heerkiisii ugu sarreeyey marayo iyada oo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedaysay in ay dhammaan intii ka dhaqaaqaysay la iibiyey. Marwo Faadumo Siciid waxa ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedaysay in ay dalkii boolbool u kala furtay oo u kala daadisay sida ay hadalka u dhigtay.
“Waad ogtihiin oo Laydhkii ayaa la wareejiyay (Laydhkii Dawladda Ee Hargeysa Iyo Berbera) oo waxa la isku haystay Gandi Library, oo waxaa la wareejiyay Women’s club-kii, oo waxaa la wareejiyay wax alaale wixii hanti dhul dawladdu lahayd. Waxa la bixiyay oo illaa ehelkooda la siiyay guryihii dawladda oo imikana loo dhisayaa, waxaa la wareejiyay haamihii shidaalka ee Berbera, waxaynu ognahay in maantana xukumaddu Dekeddii Berbera, Sibidhkii iyo buurihii Gacan Libaax, buurta Daallo, Buuraha Sheekh intiina imika wadaan wareejinteeda…” ayay tidhi Marwo Faadumo Siciid.
Marwo Faadumo Siciid oo arrimaha dibada kala talisa guddoomiyaha xisbiga Waddaniwaxa ay sidan ku sheegtay waraysi ay shalay siisay Telefishanka Star Tv, waxaanay ku doodday in halkii 20 sanno ka hor Somaliland ka soo dhaqaaqday dib ay ugu noqotay intii xukumadda Siilaanyo xilka haysay. Waxaanay sheegtay in meel kasta oo la wareejiyo shaqaalaheeda la eryayo, haddii dekedda Berbera la wareejiyana la eryi doono dhammaan shaqaalaha ka hawlgalaya, taasina keenayso shaqo la’aan iyo busaarad ay ka digtay.
Marwo Faadumo Siciid Ibraahim Waxay bulshada Somaliland ugu baaqday inaan bulshada reer Berbera lagu eegin inay difaac ka galaan wareejinta dekeddaha iyo Madaarrada Berbera, balse bulshada Somaliland is waydiiso waxa u hadhay marka xarumaha dawladda ee muhiimka ah la wareejiyo.
Marwo Faadumo Siciid oo arrimahaasi ka sii hadlaysaa waxa ay tidhi: “Waxa la arki doonaa Shacabka Magaalooyinkeeda gaar ahaan reer Berbera oo busaarad weyni dhulka la gashay oo lagu bakhtiyayo. Waxa iman doonta oo la arki doonaa Mushahar in la waayo la siiyo ciidankeena. Waayo, Berbera Dekeddeeda waxa aynu ka hello ayaa aynu ku noolayn oo ciidamadeenu mushaharka ka qaadan jireen. Nasiib darrada maanta dalkeena ku habsatay waxaan Ilaahay uga baryeynaa in uu innaga saaro, xukuumaddaa sababteeda lehna ilaahay ina dhaafiyo” ayay tidhi Marwo Faadumo Siciid.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *