BREAKING NEWS
Search

Waddan Liiska Koox Fallaago Ah Oo Mucaarid Ku Ah Dalkeeda Ku Dartay Tababare Kubbadeed Oo Dunida Si Weyn Looga Yaqaan!

Inkasta oo kubadda cagta iyo siyaasaddu kala yihiin laba arrimood oo aad u kala duwan sida qaalibka ahna siyaasadda iyo ciyaaraha la kala dheereeyo haddana dhacdadani waxa ay noqotay mid aad u xiiso badan oo dunida si weyn looga hadal hayo kadib markii xukuumadda waddanka Spain ay liiska mucaaradka iyo fallaago dalkaasi ku kacsan ku dartay in uu ka mid yahay macallinka caanka ah ee Pep Guardiola oo hore u ahaan jiray xiddig daafaca uga ciyaara kooxda Barcelona iyo xulka qaranka Spain.
Macallinka kooxda Manchester City Pep Guardiola ayaa lagu soo daray liiska warbixinta booliska dalka Spain ay soo saareen taasoo lagu baadhayo shakhsiyaadka u ololeeya madax banaanida gobolka Catalonia, waana arrin culeys weyn saari karta macallinkaasi oo imika uun la haleelay in uu awoodeeyo kooxda waddanka Ingiriiska ka dhisan ee Man City kadib xilli ciyaareedkii ugu horreeyey ee kal hore oo uu ku fashilmay in uu kooxda meel sare keeno.
Jordi Sanchez iyo Jordi Cuixart ayey dowladda dhexe ee Spain xabsiga dhigtay kadib markii ay si weyn ugu ololeeyeen codeyntii waxba kama jiraanka lagu tilmaamay oo ay sameeyeen dadka reer Catalonia ee ay doonayeen in ay kaga go’aan Spain inteeda kale.
Waxaa jiri doona baadhitaano iyadoo Pep Guardiola lagu soo eedeeyay “Falaaggo”, warbixinada ayaa soo jeedinaya in macalinkii hore ee Barcelona uu ku qoran yahay warbixinta Booliska ee loo gudbin doono garsooraha maxkamadda sare ee dalka Spain Pablo Llaren.
Pep Guardiola waxaa si weyn loo ogyahay inuu ka qeyb qaatay ololaha ay xoriyadda ku dooneysay Catalonia, waana arrin aanay ogoleyn dowladda dhexe ee magaalada Madrid.
Sidoo kale wuxuu magaalada Barcelona kaga qeyb galay dibad bax ka dhacay magaalada Barcelona isagoo la socday Carles Puigdemont oo ahaa madaxweynaha xiligaas ee dowladda Catalonia, waxaana kasoo qeyb galay kumanaan kun oo dadweyne ah oo ay isku aragti yihiin.
Wuxuu dadweynaha hortooda ka sheegay in 1-da October uu si weyn ugu codeyn doono madax banaanida Catalonia: “Xitaa haddii aanay dowladda Spain dooneynin”
Inkastoo codeyntii la sameeyay iyo dadaalkii la bixiyay ay waxba kama jiraan kasoo qaaday dowladda dhexe, wakhtiganna Boolisku waxey soo saareen warbixin ay ku baadhayaan dadka magaca leh ee sida weyn uga qeyb qaatay arinkaasi mucaaradnimada ah.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *