Search

Waddan Haweenku Guurka Raggooda Naceen Aadna Ula Dhacsan In Ay Guursadaan Ragga Ajaanibka Ah Iyo Sababta Keentay!

Waa arrin dabiici ah in haweenka iyo ragga waddan ku wada nool ee isku jinsiyadda ahi mar walba yihiin kuwa is guursada maadaama ay isku waddan yihiin balse walibaa akhristow ma maqashay haween khaati ka taagan oo nacay in ay guursadaan ragga ay isku dhalashada yihiin ee dalkooda taa baddalkeedana xiisaynaya in ay guursadaan rag waddan kale ka soo jeeda dhalasho ahaan.
Qisadan layaabka leh oo Wargeyska Foore ka soo xiganayo Telefishanka caanka ah ee On-TV ayaa waxa ay sheegaysaa in haweenka waddanka Sucuudi Carabiya jacaylka ay u qabaan guurka raggoodu aad hoos ugu dhacay iyaga oo ka door bidaya in ay guursadaan rag ajaanib ah gaar ahaan iyaga oo jecel ama door bidaya in ay guursadaan ragga Masaarida ah. Daraasad la xidhiidha dhinaca arrimaha qoyska iyo nolosha Bulshada oo laga diyaariyey waddanka Sucuudiga ayaa lagu sheegay natiijadii ka soo baxday in aqlabiyadda haweenka waddanka Sucuudigu aanay jeclaysan in ay nolosha la wadaagaan raggooda sucuudiyaanka ah iyaga oo badankoodu sheegay in ay jeclaan lahaayeen in ay nolosha la wadaagaan rag kale oo dalalka carbeed ah iyaga oo waliba u batay dookhoodu in ay ka helaan ragga Masaarida ah.
Haweenay dhakhtarad cilmi nafsiga ku takhasustay ayaa shabakadda Caajil waxa ay u sheegtay in ragga ajaanibka ah ay haweenka sucuudigu ka jecel yihiin ragga dalkooda. Drs Zahra Almacbi oo arrinkaasi ka hadlaysaa waxa ay tidhi: “Ma aha wax lala yaabo in haweenka Sucuudigu badankoodu aanay jeclayn in ay guursadaan ragga dalkooda oo ay ka jeclaan lahaayeen hadii ay helayaan guurka ragga dalal kale gaar ahaan Masaarida. Hab-dhaqanka iyo caadooyinka waddanka Sucuudiga ee gaar ahaan la xidhiidha nolosha lammaanaha ayaa waxa ay keentaa in uu jiro dhaqan adag oo ragga Sucuudiyaanku leeyihiin oo la xidhiidha dhinaca macaamilka haweenka. Haweenka Sucuudigu waxa ay sheegaan in ragga Sucuudiyaanku aanay ahayn rag naxariis badan, romaantig ah oo ku wanaagsan nolosha iyo macaamilka xaaska taasina keentay in ay ka door bidaan raga kale sida Ragga Masaarida oo ay aaminsan yihiin in ay ka naxariis badan yihiin oo kaga wanaagsan yihiin dhinaca macaamilka qoyska”. Ayay tidhi Drs. Zahra Almacbi waxaanay hadalkeeda raacisay:
“Ninka sucuudiyaanka ahi haweenayda ulama dhaqmo sidii in ay tahay boqoradda guriga. Waanu ku adadag yahay oo uma naxariis badna. Xaaladaha furriinka ayaa ku badan waddanka Sucuudiga xaaladduna waa is faham la’aan iyo hab-dhaqanka ragga Sucuudiyaanka ah oo aad u adag marka laga hadlayo wada noolaanshaha qoyska. Tani waxa ay keentay in ay haween badan oo sucuudiyaan ahi ku guulaysteen guurka rag ajaanib ah oo kale oo carbeed. Waliba waxa ay aad u jecel yihiin Masaarida oo ay u arkaan in ay aad uga macaamil wanaagsan yihiin ragga Sucuudiga”. Ayay hadalkeeda ku soo koobtay Drs. Zahra.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *