BREAKING NEWS
Search

Waddan Caasimaddiisa Ka Mamnuucaya Tagaasida Dadweynuhu Kiraystaan Kuna Booriyey Isticmaalka Baaskiiladaha

Maamulka dawladda hoose ee Caasimadda wadanka Norway ee Oslo ayaa gabi ahaanba go’aan ku gaadhay in sannadka 2019 aan wax tagaasi ah laga isticmaali Karin Caasimadda Oslo ee ay masuuliyadeeda hayaan iyaga oo dadweynaha ugu baaqay in ay isticmaalaan baaskiiladaha iyo mootooyinka aan mishiinka weyn lahayn iyaga oo ujeedada go’aankoodan ku sheegay hoos u dhigid lagu samayn doono qiiqa gaadiidku hawada ku sii daayo oo in ka badan 50% hoos loo dhigi doono iyo waliba saxmadda gaadiidka oo ay sheegeen in lagaga raysan doono, Caasimadda Oslo na noqon doonto magaalo hawo fiican oo aan saxmad gaadiid lahayn.
Golaha Deegaanka Oslo oo dhawaan la soo doortay kana soo jeeda aqlabiyadda Xisbiga Cagaaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankan ay ka gaadheen isticmaalka Tagaasida dadweynaha ee ka dhex shaqeeya caasimadda dalkaasi Norway iyaga oo sheegay in go’aankaasi dhaqan gali doono sannadka 2019, wax weyna ka tari doono sidii hoos loogu dhigi lahaa wasakhawga hawada gaar ahaan qiiqa gaadiidku hawada ku sii daayo.
Afhayeen u hadlay Golaha Deegaanka Oslo oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dadweynaha ku nool Oslo iyo dadka kale ee safarka ku yimaad magaaladaasi ay ka raysan doonaan saxmadda gaadiidka iyaga oo dhinaca kale isticmaali doona Baaskiiladaha iyo Mootooyinka fudud oo uu sheegay in ay caafimaad ahaan u wanaagsan yihiin halka uu sidoo kale dadka ku dhiirri geliyey in ay lugeeyaan marka ay meelo dhaw dhaw tagayaan oo aanay isku mashquulin tagaasi ay raadsadaan.
Go’aankani waxa uu walaac ku abuuray kambaniyadii tagaasida ka ganacasan jiray oo dhan 11 kambani isaga oo saamayn doona in ka badan 57 xarumood oo laga raaci jiray tagaasida caasimadda Oslo ee dalka Norway.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *