BREAKING NEWS
Search

Waddan Afrikaan Ah Oo Magaalo Gaar Ah U Diyaariyey Haweenka Carmasha Ah, Raggana Ka Mamnuuc Ah Iyo Sababta!!

Xukuumadda waddanka Masar ayaa diyaarisay Tuulo lagu magacaabo Al-Samaaxa oo loogu talo galay kaliya in ay ku noolaan karaan kana shaqaysan karaan haweenku oo aan ragga loo ogolayn gaar ahaan haweenka Carmasha ah, kuwa guurku ka raagay ee doonaya in ay kalidood noolaadaan iyo kuwa dhawaan uun la furay ee aan haysan rag ay nolosha la wadaagaan. Tuuladan ayaa waxa ay 120 Km u jirtaa magaalada Aswaan waxaanay tuuladani leedahay dhul beeraha iyo wax soo saarka ku wanaagsan iyo sidoo kale rabbaayadda xayawaannada dad la joogta ah ama dab joogta loo yaqaano sida Adhiga, Digaaga, dameeraha iyo kuwa la midka ah, waana deegaan loogu tala galay in ay haweenku waxna ka beertaan xayawaaannadana ku dhaqdaan oo ay noloshooda ka soo saaraan si ay u kafaalo qaadaan noloshooda iyo kuwa ubadka haysta ee lagu furay.
Qorshaha tuuladan lagu aasaasay ayaa soo bilaabmay sannadkii 1998-kii wakhtigaasi oo xukuumaddii waddanka Masar wakhtigaasi la talinaysay ee uu hormuudka u ahaa Maxamed Xusni Mubaarak ay tuuladan u qorshaysay in ay haweenku kaliya ku noolaadaana ama wax ku qabsadaan oo ay noqoto tuulo wax soo saar oo haweenka u gaar ah oo aan ragga loo ogolayn in ay degaan ama ku shaqaystaan. Wakhtigaasi mashruucani waxa uu ahaa in la dhiso laba tuulo oo mid ka mid ahi ay tahay tuuladan Al-Samaaxa iyo tuulo kale waxaana qorshuhu yahay in ay midkiiba ku noolaan karaan in ka badan 303 qoys oo haween iyo caruur ah. Waa haweenka caadiga ah iyo kuwa haysta ubad yaryar oo lagusoo furay. Waxa ay xukuumadda dalkaasi Masar haweenay kasta u qorshaysay in ay siiso guri yar oo laba qol ah iyo beer weyn oo u dhaw oo wax soo saarka ku wanaagsan iyada oo laga caawin doono dhinaca wax soo saarka iyo xayawaannada beertaasi ay ku dhaqan karaan sida Lo’da, Adhiga iyo dameeraha ay ku shaqaysan karaan ee ay kaga xoogsan karaan wax soo saarka beerta. Waxaase shardi ah in haweenaydu ay diyaar u tahay wax soo saar oo aanay u qaadan in meeshan loo dajinayo in ay iska fadhido.
Wargeyska Al-Misry oo arrinkan xiisaha leh wax ka qoray, Wargeyska Foorena idiinka soo turjumay waxa uu leeyahay arrinka xiisaha leh ayaa ah in Mashruucani dhigayo in haweenay kasta oo isku dayda in ay nin guursato aan loo ogolayn in ay ku sii noolaato tuuladan Al-Samaaxa ee loo ogol yahay in ay isaga guurto oo ay doorato ninka ay guursatay si ay ugu guuraan meesha kale ee ay ku noolaan karto. Sidaa darteed haddii la xaqiijiyo in mid ka mid ah haweenka tuuladan ku nooli ay nin si qarsoodi ah u guursatay waxa laga qaadayaa beerta iyo guriga waxaanay u guuraysaa meel ay kula noolaan karto ninkaasi ay calmatay.
Wasiirka Arrimaha Qoyska ee dalka Masar oo wax laga waydiiyey Arrinkan xiisaha leh ayaa sheegaya in ujeedada laga leeyahay mashruucani tahay in la ilaaliyo mustaqbalka haweenka iyo ubadkaasi oo ay noloshooda ku maareeyaan si loo daryeelo haweenkaasi oo ah kuwo nugul.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *