WADANI Oo Xarun Kulmisa Xafiisyadiisa Yurub Ka Furtay London

London (Foore)- Gudoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi ahna Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee Urur-siyaasadeedka WADANI, ayaa xadhigga ka jaray Xafiis Ururku ku yeeshay Galbeedka magaalada London ee dalka Ingiriiska, kaasoo kulmi doona Xafiisyada Laamaha Yurub ee Urur-siyaasadeedka WADANI.

Xafladdaas oo si heersare ah loo soo agaasimay, waxa ka qaybgaly Siyaasiyiin, Salaaddiin, Jaaliyadaha Yurub ee taageera Urur-siyaasadeedka WADANI, Madaxda Ururka ee Ingiriiska iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.  Eng. Cabdillaahi Camay oo ka tirsan Madaxda Ururka Wadani, isla markaana waxa uu aad ugu mahad-naqay dhammaan dadka Xafladdaa ka soo qaybgalay. Waxa kale oo uu ka shekeeyey taariikhda Guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro, dhaqankiisa siyaasadeed, kartidiisa iyo waxqabadkiisa oo uu dhinacyo badan ka eegay.

Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee Ururka WADANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxa uu Munaasibadda loogu Wanqalay Urur-siyaasadeedka WADANI ka hadlay, waxa uu halkaa ka jeediyey khudbadka dhinacyo badan taabanaysa. Waxa uu ugu horreyn mahad-naq u jeediyey dadka soo abaabulay kulankaas iyo dhammaan tageerayaasha Ururka WADANI iyo shacabweynaha reer Somaliland meel kasta oo ay jogaan. Md. Cabdiraxmaan-Cirro, waxa uu ka warramay Somaliland oo uu sheegay inay ka hano qaadday dimuquraaddiyad iyo nabadgelyo buuxda.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, ahna Guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee Urur-siyaasadeedka WADANI, Cabdiraxmaan-Cirro, waxa uu ka hadlay dilal dhawaan ka dhacay deegaanka Saameel ee gobolka Awdal iyo degmada Taleex ee Gobolka Sool, kuwaas oo uu sheegay inay Xukuumaddu ka hawlgashay, isla markaana uu ka rejaynayo inay si fiican oo degganaasho ku jiro u dhammaadaan, ciddii ka dambaysay dilalkaasna sharciga la horkeeno oo gacanta lagu soo dhigo, taasoo uu u soo jeediyey Xukuumaddu inaanay ka nasan illaa inta ay gacanta ku dhigayso gacan-ku-dhiigla-yaasha.

Md. Cirro, waxa uu hambalyo u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu sheegay inuu la-tashiyo uu bulshada la sameeyey iyo qiimayn ka dib, fasaxay furashada Ururrada siyaasadda oo ay hore u diidday Xukuumaddii Daahir Rayaale. Waxaanu Guddoomiyaha WADANI tilmaamay in muwaaddin kasta oo reer Somaliland ahi xaq u leeyahay inuu Urur-siyaasadeed furto oo la doorto waxna dooran karo.

Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka WADANI waxa uu sheegay in Ururka WADANI yahay Urur-siyaasadeedkii ugu horreeyey ee Guddiga diiwaangelinta ururrada siyaasadda iyo ansixinta Xisbiyada iska diiwaangeliya ee shuruudihii ugu horreeyey ee Urur-nimo buuxiya. Isla markaana, waxa uu rejo fiican ka muujiyey in Ururka WADANI guulo wax ku ool ah ka gaadhi karo ama ka soo hoyn karo doorashooyinka golayaasha deegaanka ee la filayo inay sannadka soo socda ka qabsoomaan Somaliland.

Waxa uu sheegay in 28-ka bishan December sannadkan 2011-ka ay tahay maalinta ugu dambaysa ee la soo xidhayo diiwaangelinta Ururrada siyaasadda ee cusub, isaga oo xusay in 20% Ururka kasbadaa soo baxaayo. Cabdiraxmaan-Cirro, waxa uu shacabka reer Somaliland ugu baaqay inay nabadgelyadooda ilaashadaan, isla markaana ay dhinac uga soo wada jeestaan cid kasta oo damacsan inay khalkhal-geliyaan, iyaguna ka feejignaadaan wax kasta oo nabadda iyo xasilloonida dhaawici kara oo dhexdooda ka dhaca.

Sidoo kale, dad fara badan oo isugu jira Siyaasiyiin, Salaaddiin, Madaxda Yurub ee Urur-siyaasadeedka WADANI, hoggaamiyayaasha Jaaliyadaha reer Somaliland ee Yurub iyo taageerayaasha Ururka qaarkood, kuwaasoo dhammaantood sheegay inay si qurux badan uga qaybqaadan doonaan horumarinta dalka Somaliland iyo dimuquraaddiyadda dalka ka hano-qaadday. Waxaanay xuseen inay Md. Cabdiraxmaan-Cirro ka taageeri doonaan sidii uu talada dalka ugu guulaysan lahaa, iyaga oo tilmaamay inuu yahay nin karti iyo aqoonba u leh hoggaaminta, isla markaana ay si buuxda ugu qanacsan yihiin inuu yahay nin lagu aammini karo hoggaaminta dalka Somaliland.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *