BREAKING NEWS
Search

Wadani oo Burco ugu quus-gooyay 14-ka urur ee la tartamaya iyo Hoggaamiyahooda oo ku is-tareexay

Burco (Foore)-Kumanaan qof oo ka tirsan taageerayaasha Urur siyaasadeeddka Waddani ayaa maanta isugu soo baxay barxadda weyn ee Sayladda magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer, waxaanay u quus gooyeen 14-ka urur ee kale ee la tartamaya.

Dadkaasi oo ka qayb qaadanayey Tiro koobka ay wadaan guddiga Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasada iyo asxaabta Somaliand kaas oo saaka ka bilaambay Xarunta Gobolka Togdheer ee Burco.
Dadweynani taageersanaa Urruaka Wadani oo saaka iskugu soo baxay xarunta saylada Magaaladaasi ayaa waxa ay siteen astaamaha iyo calamda ururka Wadani.

Ka hor intii aanay guddoomiyaha guddiga diiwaan-gelinta iyo xubnihii kale ee guddigaasi soo gaadhin madasha isu soo baxay ee ay taageerayaasha ururkaasi ku soo bandhigayeen cuddooda taageero ee ay ku leeyihiin gobalka Togdheer waxaa dadweynaha la hadlay masuuliyiin kala duwan oo ay kamid yihiin xubnaha wafdiga ururka Waddani.

Gudoomiyaha Diiwaangalinta ayaa waxa uu dib ugu laabtay gaadhigii uu watay waxaanay isaga iyo xubnihii uu hogaaminayey dhabaha dib u cabeen iyaga oo si weyn ugu qancay tirada dadweynihii aan caadiga ahayn ee saaka isgu soo baxay Sayladda Xoolaha ee magaalada Burco halkaasi oo ay taageerayaasha ururka waddani cududdii ay soo bandhigeen loo arkay inay tahay mid uu ururka Waddani ku hantay darajada 1aad ee kaalinta ugu saraysay saadaasha natiijada laga filayo inay soo bandhigidoonaan Guddiga diiwaan-gelintu markay hawshani dhamaato wiigga soo socda ka dib.

Waxaanay taageerayaasha Ururka Waddani hadda iyo wixii ka dambeeya u sii kooraysanayaan xagga goballada Sool iyo Sanaagg iyaga oo lagu wado inay howlahooda ka asoo billaabaan magaalada Caynabo ee gobalka Sool halkaasi oo la filanay inay taageero laxaad leh ka helidoonaan.

 

 

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *