WADANI oo awoodiisa ku muujiyay dhoola-tus weyn oo ay Taageereyaashiisu ka sameeyeen Ceerigaabo

Ceerigaabo (Foore)- Kumanaan qof oo ka mid ah Taageereyaasha urur-siyaasadeedka WADANI, ayaa maanta dhoola-tuskii u weynaa ka sameeyay Fagaaraha banaanka labadda Masaajid ee badhtamaha Magaaladda Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag, halkaasi oo ay ka qabsoontay hawl-galkii tiro-koobka madax-taabashadda ahaa ee Gudidda diiwaan gelintu ay ku qiimaynayeen Ururadda cusub ee siyaasadda.

Kumanaan ka mid ah taageereyaasha urur-siyaasadeedka WADANI oo sitay astaanka iyo calanka ururkaasi ayaa qarqiyay wadooyinka iyo shaaricyadda magaaladda Ceerigaabo, waxaanay Hoggaanka ururkaasi u soo bandhigeen siday ugu jeelan yihiin urur-siyaasadeedkan.

Ururka Wadani wuxuu kaalinta koowaad ka galay hawl-galkii Tiro-koobka madax-taabashadda gobolka Sanaag oo ah gobolkii afraad ee laga fuliyay qiimaynta Gudida diiwaan-gelinta.

Axmed Xuseen Fag-fagaash oo ka mid ah Gudida fulinta ee urur-siyaasadeedka WADANI, oo fagaarahaasi kala hadlay taageereyaashii ururkaasi, ayaa sheegay inuu uga mahad-celinayo dadweynaha magaaladda Ceerigaabo iyo taageereyaashooda Gobolka Sanaagba sida ay ugu soo baxeen ururkan.
Mr. Fag-fagaash wuxuu sheegay in reer Ceerigaabo ay dareenkooda ku muujiyeen rabitaankooda ururka WADANI, waxaanu ku booriyay inay u diyaar-garoobaan doorashooyinka Goleyaasha deegaanka ee lagu wado inay dalka ka qabsoonto.

Maayar Ku xigeenka caasimadda Hargeysa Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde oo ka hadlay fagaarahaasi ayaa isaguna u mahad celiyay taageereyaasha ururka WADANI ee gobolka Sanaag. Waxaanu u gudbiyay salaan uu uga siday Guddoomiyaha Ku meel gaadhka ah ee WADANI Md. C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Maayar Ku xigeenku wuxuu sheegay in ururka WADANI uu dheregsan yahay baahida Gobolka Sanaag u qabo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha sida Wadooyinka, Waxbarashada iyo xarumaha caafimaadka. Waxaanu tilmaamay inay wax weyn ka qaban doonaan.

Axmed Cali Ubaxle oo ka mid ah Gudida fulinta ee ururka WADANI, ayaa reer Ceerigaabo ku ammaanay siday hiloobeen ururkan oo uu tilmaamay inuu awooda saari doono sidii uu wax uga qaban lahaa adeegyada bulshadda ee gobolkaas.

Axmed Cali waxa kale oo uu taageereyaasha WADANI ugu baaqay inay u diyaar-garoobaan sidii ay ugu tabaabushaysan lahaayeen doorashada Goleyaasha deegaanka ee lagu wado inay dalka ka qabsoonto dhawaan.

Dhinaca kale, Afhayeenka Gudida diiwaan gelinta Md. Xasan Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macalin) iyo Maxamed Cabdi-maalik oo ka mid ah xubnaha Gudidaasi, ayaa u mahad celiyay taageereyaasha Ururka WADANI oo ay tilmaameen inay qarqiyeen magaaladda Ceerigaabo.

Ururka Wadani waxa uu hore kaalinta koowaad ka soo galay tiro-koobkii todobaadkii hore laga soo fuliyay Goboladda, Awdal, Maroodi-jeex, Saaxil iyo Togdheer.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *