BREAKING NEWS
Search

Wada Hadalo Toos Ah Oo La Isku Soo Hordhiistay Oo Dalka Kenya Uga Furmay Dowlada Dalka Itoobiya Iyo Jabhada La Dagaalanta Ee ONLF

Nairobi (Foore) – Magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya waxaa markii u horaysay ka furmay wadahadalo u dhaxeeya Dowlada Itoobiya iyo Jabhada ONLF ee dagaalka kula jirta Dowlada Itoobiya kuwaasi oo kulan toos ah oo la isku soo hor fadhiistay Magaalada Nairobi ku yeeshay.
Dowlada Kenya ayaa gardhwadeen ka ah wadahadalka u furmay Jabhada ONLF iyo Dowlada Itoobiya, waxaana wadahadalka Dowlada Itoobiya ku matalaya Madaxweynaha Dowlada deegaanka iyo Generaal Gabre halka ONLF shirka ku matalayaan xubno sare oo kamid ah Ururkaasi oo iyagu dibad wareeg ka ahaa Dalka Itoobiya kuwaasi oo sanadadiiu dambeeyay ku sugnaa Dalkaasi Kenya oo imika dhex dhexaadinaya Itoobiya Iyo ONLF.
Wadahadalkan u furmay Dowlada Itoobiya iyo Jabhada ONLF ayaa diirada lagu saarayaa sidii labada dhinac heshiis u gaadhi lahaayeen kooxda ONLF-na u joojin laheyd dagaalka sanadahan ah ay ka waday Gudaha Dalkaasi Itoobiya. Jabhada ONLF ayaa ka dagaalanta Soomaali Galbeed , waxa ayna kooxdan u dagaalameysaa sidii Soomaali Galbeed uga go’i laheyd dalka Itoobiya una noqon laheyd maamul madax banaan.
Dawlada Itoobiya ayaa u muuqata inay isticmaalayso Nidaam diblomaasiyadeed oo ay ku soo xero galinayso Jabhadda ONLF oo bilihii u dambeeyay u barooranayay Nin udub dhexaad u ahaa kooxdaasi oo lagu magacaabo Qalbi dhagax oo ay Dawlada Soomaaliya sanadkii hore u gacan galisay Dawlada Itoobiya kaasi oo sida la aaminsan yahay ku xidhan Jeelasha Dalka Itoobiya.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *