Search

“Waa Baa Beryay” …..Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

“Dhulka waax madoobayd,
Inta waa ku saro-kaco,
Qorrax Gaandi weheshaa,
Wac ku soo tidhaahdaa,
Bulsho weerka xoortaa,
Anigana Wajiiniyo,
Waqal igu gadoodaa,
Wahabkii i saarnaa,
Waan-waani dhaxashaa,”

Maxamed Ibraahin Warsame, Hadraawi,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com
Qormada: 1aad,
5/12/2015ka
‘Waa baa beryay’, waa weedh fudud oo aan sidaa u sii murugsanayn. Waxay ka kooban tahay saddex erey oo keliya. Ereyga ‘Waa’ waa magac tilmaamaya xilli. Ereyga ‘baa’ waa xidhiidhiye. Ereyga saddexaad ee ay weedhani ku dhammaataa waa ereyga ‘beryay’ oo ah fal ama ficilba sida ay dadka qaarkii u yaqaanniin.
Mar kale, weedhani waxay ballaysin u ahayd heestii caan-baxday ee Cali Sugulle Dun-carbeed ee “Waa baa beryay.” Ereyada iyo codkaba waxa iska lahaa Cali Sugulle Dun-carbeed, Ilaahay caafimaad degdeg ah ha siiyo e’. Waxa ku luuqeeyay Maxamed Axmed Kuluc oo ay u jiibinayeen Kooxdii Waaberi. Xilligu xilliyada kuma jirin oo waa berigii aftida laga qaadayay dalka Jabuuti oo uu beryahaa Faransiisku gumeysan jiray. Waa aftidii ku caan-baxday Haa iyo Maya ama ‘Wiidii’ iyo ‘Noodii’ ee Jabuuti laga qaaday 19kii Maarj, 1967kii. Heestan Cali Sugulle wuxu ugu talo-galay munaasibaddaas, haddii dadweynuhu ku codeeyaan ‘Maya’ oo ay gumeysiga diidaan.
Cali Sugulle, wuxu isla munaasibaddaas ugu talo-galay hees kale oo ay Maxamed Axmed iyo Xaliimo Khaliif, Magool, wada qaadeen oo heestaa kale ka duwaneyd. Haddii ay dadweynuhu ‘Haa’ ku codeeyaan ama ay natiijadu sidaas noqoto wuxu ugu talo-galay hees kale oo ahayd: “Midnimadeennii mugday gashoo, magaceen ba’yeey.” Waxa kale oo heestaas ku jiray tuduca ah: “Mayadii Haa maqaar la saaraa meydhaantayeey.”
Heestaa hore ee Cali Sugulle, waxa ballaysin u ahaa:
“Waa baa beryay,
Bilicsan,
Arooryo baxsan,
Maalin bokhran,”
Anna maanta xulashada weedhan, waxaan ku marriimayaa waa ii beryay 7dii Juulay, 2015ka. Beri-samaad waa uu badnaaye, waa san oo kale ayaa maalintaa ii beryay. Ididiilo iyo rajo soo ifaysa ayaan ku waa-bariistay. Si aan dhaqankayga ahayn, ayaan arooryadaa u toosay xilli ay goor-sheegtu ku abbaarnayd 8.05 daqiiqadood oo aroornimo. Arooryadaa waxba kama aan duwanayn Cabdi-malowgii laga sheegay : “…….. Ilaahay ballankii, barqaan kacay.” Caadi ahaan subaxnimada hore ayaan kici jiray ee maalintaas wax dhacayba waa anigaa dharaarsaday.
Sariirta haddii aan lugaha ka soo laallaadiyayba, tilifoonkii oo aan saacadda ka eegay oo aan sii dhigayay, ayaa codkii macaanaa ee Maxamed Mooge ka bilaabmay. Waa heesta: “Nabsiga hiisha” oo uu cod ahaan iigu soo dhaco. Waan qaaday. “Subax wanaagsan,” ayaa dhehegaygii ku soo dhacday. Dhawaaqa iyo magaca shaashadda soo galay ayaa ahaa Maxamed Siddiiq Dhamme, Af-hayeenka Garabka Dhallinyarada ee Xisbiga Waddani. Nin dhallinyaro ah oo aan nasashada iyo habrashada midnaba aqoon. Nimaan la dirin ee isagu is-dira oo xil-qaad iyo xil-kasnimo la yaab leh Ilaahay ku mannaystay. Qalinkiisu ma nasto…….Qawlkiisu ma nasto…….Qoobkiisu ma nasto oo hadba gobol ayuu ka hillaacayaa. Waxaan u aqaannaa mid ka mid ah Ma-daalayaashaha Xisbiga Waddani.
Nabdaadin ka dib waxa ii xigtay isaga oo igu leh: “Adeer, xaggeed joogtaa.” Waxaan ku celiyay: “Gurigii, xafiiskii ayaan se ku soo socdaa.” Wuxu igu soo celiyay: “Waanu ku sugaynaa.
Waan ku sugayaa, lama yaabeen. Bal se waxaan la yaabay waanu ku sugaynaa. Markaa gartay in aanu keligii ahayn ee ay ka badan yihiin. Cabbaar ayaan ku yara dawakhsanaa cidda ay yihiin iyo inta ay yihiinba.
Markii tallanku igu batay, ayaan ku dhiirraday in aan Siddiiq weydiiyo cidda i sugaysay. Ku-ye: “Waa marti culus oo bari ka timid, adigana ku doonaysay.” Anna yaabay oo hoos isu idhi: “Barigu, wuu badan yahay e’, waa barigee.” Ku-ye markiiba: “Waa Burco oo waxa inooga yimid wiil dhallinyaro ah oo Naadiga Hal-karaan ka tirsan.” Degdeg ayaan u quraacday, u leebistay una diyaargaroobay in aan baxo.
Markiiba waxaan go’aansaday in aanan faro-madhnaan ku tegin xafiiskii oo aanan wiilkan martida ah faro-madhnaan ku qaabbilin. Bartii Buugaagtu ii taallay ayaan dhowr Buug uga sii qaaday oo kala ahaa: Dhaxal-reeb: Horaad, Qaybe, Jaamac Xayd iyo Maansadi Timacadde.
Xafiiskii ayan sidii ku tegay. Saa waxa dhex fadhiya wiilkii dhallinyarada ahaa iyo Maxamed Siddiiq Dhamme. Waanu is-bariidinnay. Si rasmiya ayuu u lebbisan yahay oo suudh aan qoor-xidh lahayn ayuu ku taagan yahay.
Waxan haybsaday magaciisii, waxaanu iigu sheegay Cabdiraxiim Axmed Maxamed. Wuxu intaa iigu daray in naanays ahaan la yidhaahdo Hal-deeq. Wiil yar oo farxaan ah oo kaftan badan ayuu ahaa. In kasta oo aan fadhiyay, haddana isaga oo taagan dhinacayga midig ayaanu sheekaysanaynay. Wiil edeb iyo xishoodba u dhashay laguna soo barbaariyay ayuu ahaa. Ma ay ahayn wax uu jilayo ama iska yeel-yeelayo ee lafta iyo dhuuxa ayay diinta iyo dhaqankuba kaga jireen. Been ku hadli maayo haddii aan idhaahdo markii uu soo dhashay ayaa lagu ababiyay. Kaftan miidhan ayuu ahaa. Wuxu kaga daray dhiirranaanta uu su’aalaha kuu weydiinayo ama wax u faallaynayo. Isku-hallaynta ayaa ka darreyd iyo sida uu ugu dhiirranaa hadallada. Su’aashii labaad ee ta magaciisa ku xigtay ayaa ahayd: “Goor ma ayaad dhalatay.” Si kaftan ah oo qosolna ku dheehan yahay ayaa wuxu iigu jawaabay: “Hooyaday marka aan weydiiyo goortii aan dhashay waa ay ila kaftantaa oo waxay igu tidhaahdaa: ‘Waar i dhaaf Intii aan jirayba waad jirtay e’. “Qosol ayaanu jaanta wadhnay! Waxa markiiba noo sawirmay wiilka yar iyo hooyadii sida ay u kaftamaan. Waa waxyaabaha kalgacalka iyo kalsonidaba beera.
……….(La soco berri, haddii Eebbe idmo)




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *