Search

“Waa Ayaan Darro in Warbaahintii Dawlada ee Lagu Masruufayey Cashuurta Dadweynaha Ay Waxyaabo Baal marsan Anshaxa Saxaafadda Kula Kacaan Madaxda Qaranka”.Xoghayaha Dalxiiska Waddani.

Hargeysa(Foore) – Xoghayaha dalxiiska xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md.Mubaarig Cabdi Xasan(Buuni), ayaa si adag u dhaliilay qaabka war-tebineed ee warbaahinta dawlada, waxaana uu sheegay in ay muddooyinkii danbe ay si xooga u caadaysteen in warar been abuur ah oo isagu jira dacaayado iyo aflagaadooyin ay u gaystaan madaxda qaranka, waxaana uu tibaaxay in iyada oo lagu masruufo cashuurta laga qaado hooyooyinka iibiya tamaandhada ay hadana qaab khaldan u isticmaalayaan hantida ummada.
Md.Mubaarig Cabdi Xasan, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlaayey magaalada Hargeysa, waxaana uu sida oo kale tibaaxay in dacaayadaha iyo been abuurka ay fidiyaan warbaahinta dawladu aanay kaliya ku koobnayn madaxda xisbiyada mucaaradka balse ay sida oo kale hadalo gef iyo deel qaaf ah ay kula kacaan madaxda xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye iyo xubno ka tirsan xukuumadda Siilaanyo.
“Muddooyinkii danbe waxaa soo if-baxaayey warbaahin aad iyo aad u baal maraayey anshaxa saxaafada oo hadalo deel qaaf ah iyo aflagaado u gaysanayey mas’uuliyiinta ugu sar sareysa qaranka. Warbaahinta dawlada iyaga oo og in lagu maal-galiyo cashuurta laga qaado islaamaha suuqayada ku iibiya tammaandhada, ayaa hadana waxaa ay baal maraan in ay ixtiraamaan madaxda qaranka ugu saraysa, guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo marka la eego maamuus ahaan ah qofka sadexaad ee qaranka ugu sareeya ayaa hadana maalin walba ay waxyaabo been abuur iyo dacaayado raqiis ah ay ka gudbiyaan oo aan sal iyo raad toona lahayn, waxay ahayd in ay ugu yaraan ku qadariyaan maamuuska uu leeyahay guddoomiyahu.”.Ayuu yidhi Md.Mubaarig Cabdi Xasan(Buuni).
Xoghayaha dalxiiska xisbiga Waddani Md.Mubaarig Cabdi Xasan(Buuni) oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:“Waa ayaan darrada maanta jirta in warbaahintii dawlada ee lagu masruufayey dhididka hooyada tammaandhada ay waxyaabo ka baxsan anshaxa saxaafadda ay kula kacaan madaxda qaranka, waxa kale oo iyadana aan la ilaabi karin in maalinta khilaaf ka dhasho ama wax soo kala dhex galaan xisbiga Kulmiye ay si badheedh ah dacaayado iyo hadalo gef ah ay uga fidiyaan iyaga iyo xubno kale oo xukuumada ka tirsanba, waxaana ay u muuqdaan kuwo danaysta oo aan cidna ku ixtiraamin mamauuska qaran ee ay ku leeyihiin.”.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *