BREAKING NEWS
Search

Ururka Wadani Oo Burco Ku Soo Bandhigay 21 Musharax Oo U Tartami-Doona Golaha Deegaanka

Burco (Foore)-Urur siyaasadeedka WADANI oo mudooyinkii u danbeeyay ku hawlanaa ololaha doorashada golaha deegaanka Somaliland ayaa 21 musharax oo u tartamaya golaha deegaanka Degmadda Burco ku soo bandhigay xarunta gobolka Togdheer ee Burco.

Munaasibadan lagu shaacinaayay musharixiintan oo uu ku jiray maayirkii Dawladda Hoose ee Burco oo ka dhacday Hoteelka Ramad ee magaalada Burco oo ay ka soo qaybgaleen dadweyne tiro badani ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyaha ururka Wadani C/raxmaan Maxamed C/laahi (Ciro) waxaanu soo dhaweeyay Musharaxiintan waxaan hadaladiisii ka mid ahaa.

“Waxaan u malaynayaa Hablihii iyo ragii ay Burco ku faanaysay intuba way ku jiraan musharixiintan aanu maanta soo bandhignay ,waxaana ka mid ah Maayaradii iyo ku xigeenadii Degmada Burco oo uu hormuud u yahay maayikii magaaladu.

Runtii maayirka Burco markii hore waxa uu ka mid ahaa tiimkii Udub marka la eego baagagii ugu cuslaa ,maanta waxaan leeyahay baaga waynu ka soo wareejinaynaayoo Wadani ayaynu ka dhigaynaa ,waxa kale oo iyana halkan maraaya dad aan ka dhicin sidaa awgeed waxa loo baahanyahay sidaad usoo xusheen in aydun u taageertaan codkana u siisaan .

” Waxa caado u ah dhaqana u ah urur siyaasadeedka Wadani in uu la walaal yahay dhamaan ururada kale ,waxba kagama duwanin waa reer Somaliland waa niman doonaaya in ay tartamaan oo ay awooda wadanka u tartamaan markaa waxaan leeyahay waynu tartamaynaaye cayda iyo aflagaadada aynu iska dayno ,si fiicana aynu u tartano ” Sidaasi ayuu Cabdiraxmaan Ciro hadalkiisa kaga baxay.

Waxa kale oo isna ka mid ahaa dadkii halkaasi ka hadlay Maayirka Degmadda Burco Maxamuud Axmed Xasan (Dhagolaab) oo cadeeyay in uu ku biiray ururka Wadani isla markaana uu ka mid noqon-doono musharixiinta deegaanka ee cusub.
Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha gobolka Togdheer ee ururka Wadani Xuseen Kaahin waxaana uu yidhi ” halkan waxaanu kusoo bandhigaynaa Musharaxiintii Golaha Degaanka ee Urursiayaasadeedka wadani oo iskugu jira rag hore Golaha Degaanka u ahaa iyo qaar Cusub iyo waliba rag markii hore uga tirsanaa Ururka Badbaado oo hada halkan iska soo sharaxay ururka wadani waxaana halkan soo fadhiya Musharixiintaas oo dhan 21 Xubnood “,

Waxa kale oo iyna ka mid ahaa dadkii munaasibadaasi ka hadlay ee ka mid ahaa madaxda ururka Xil. Maxamed Diiriye Xayd ,Axmed Cali Ubaxle ,Cismaan Afgaab ,iyo masuuliyiin kale waxaaney dhamaantood si isku mid ah usoo dhaweeyeen musharixiintan golaha deegaanka u tartamaaya ee ururka Wadani degmadda Burco.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *