BREAKING NEWS
Search

Ururka SODRA Oo Shahaado-Sharafyo Ku Maamuusay Shaqsiyaad Iyo Masuuliyiinta Dawladda Ka Tirsan

Hargeysa (Foore)- Ururka waddaniga ah ee Somaliland Development Research Association (SODRA), ayaa shahaado-sharafyo iyo abaalmarinno kala duwan guddoonsiiyey shaqsiyaad iyo masuuliyiin dawladda ka tirsan oo sannadkan 2012 muujiyey waxqabad la taaban karo.

Munaasibad lagu qabtay xalay hudheelka Maasoor ee magaalada Hargeysa, waxa uu ururka SODRA abaalmarinno kala duwan ku guddoonsiiyey masuuliyiin dawladeed oo ay ka mid yihiin wasiirrada Madaxtooyada, Beeraha, Qorshaynta, Arrimaha Gudaha, Arrimaha Dibadda, Duulista, Waxbarashada, Ganacsiga, Wasiir-ku-xigeennada Waxbarashada iyo Caafimaadka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka, xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada, marwada 1aad ee Madaxweynaha Somaliland iyo hay’adaha UNICEF, UNFPA, DRC, SCF, IOM, NAGAAD, SONYO, SAGAL JET, DAHABSHIIL, SOCSA iyo Jaamacadda Admas.

Guddoomiyaha ururka SODRA Mr. Axmed Maxmed Shaqalle oo ugu horreyn xafladdaas ka hadlay, ayaa sheegay in cilmi-baadhis ay ka sameeyeen gobollada iyo dagmooyinka dalka ku ogaadeen waxqabadyo badan oo masuuliyiin dawladda ka tirsan, shaqsiyaad iyo hay’ado kala duwan ku tallaabsadeen sannadkan 2013, sidaa awgeedna garteen inay shahaado-sharafyo ku maamuusaan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *