Search

Ururka AL-QAACIDA Oo Farriin Culus Usoo Diray Hoggaanka Sare Ee Maleeshiyada Al-Shabaab

Turkistan (Foore)- Iyadoo dhawaan Maleeshiyaadka Al-shabaab ay weerar ismiidaamin ah ka fuliyeen Hoteel Jazeera ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa fariin arrintaasi ku aadan usoo diray Hogaanka sare ee Dagaalamayaasha Islaamiyiinta Turkistan ee TIP ee gacansaarka la leh Ururka Alqaacida.
Farriinta Kooxda Xisbiga Islaamiga ee Turkistan Islamic Party TIP oo ay soo dhigeen Barta Twitterka waxay ku sheegeen inay Mujaahidiinta Xisbiga Turkistan bogaadinayaan Ummadda Islaamka ee fuliyey Hawlgalkaasi, waa sida lagu xusay Farriinta.
Fariinta waxaa lagu sheegay in Turkistan ay sara qaadeyso taageerida Al-shabaab, waxa ayna farta ku godeen in weerarkii Hoteel Jazeera ee lagu beegsaday Diblumaasiyiintii kasoo jeeday dalka Shiinaha uu ahaa mid ahmiyad gaar u lahaa.
Sidoo kale, fariinta waxaa lagu sheegay in Maleeshiyada Al-shabaab looga baahan yahay inay sara qaadaan howlaha Jihaadiga ah oo ay ku baacsanayaan diblumaasiyiinta iyo Ciidamada shisheeye ee ku nool dalka Somalia, sida lagu qeexay qoraalka.
Dagaalamayaasha Xisbiga Islaamiga ee Turkistanwaxay ka mid yihiin Muslimiinta laga tirada badan yahay ee Ughurus ee ku nool Gobalka Shin Jiyaang ee dalka Shiinaha, kuwaasi oo u dagaalamayo sidii ay Dowlad Islaami ah uga dhisi lahaayeen Deegaanadda ay kaga nool yihiin Bariga Turkistan ee dalweynaha Shiinaha.
Dhanka kale, Dhowr Saraakiil sarsare oo ka tirsan Dagaaalamayaashaasi ayaa waxay xilal muhiim ah ka hayaan Hoggaaminta Alqaacida, iyadoo Amiirkii hore ee Kooxda TIP, Abdul-shakuur Tyrkistaani loo magacaabay Taliyaha hoggamiya ciiddanka Alqaacida ee ka hawlgala Goballadda ay Qabaa’ilka ka maamulaan dalka Pakistan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *