BREAKING NEWS
Search

Urur Siyaasadeedka WADDANI Oo Isku Soo Bixii Ugu Ballaadhnaa Taageerayaashiisu Ku Gilgileen Magaalooyinka Waaweyn Ee Dalka

Hargeysa (Foore) Urur siyaasadeedka Waddani oo maanta u lahaa ollolaha doorashada golayaasha deegaanka Somaliland, ayaa Gobolada iyo degmooyinka dalka ku soo bandhigay cududa taageerayaashiisa oo baro dhaafisay taageerayaashii ay hore u soo bandhigeen guud ahaan ururadii iyo axsaabta siyaasadda Somaliland.
Urur siyaasadeedka Waddani ayaa Fagaraayaasha Gobolada iyo degmooyinka dalka ku soo bandhigay taageerayaal xad dhaaf ah oo aad uga badnaa intii laga filayey inuu soo bandhigayo.

Fagaraaha beerta xoriyadda Hargeysa oo ahayd halka ugu mudan ee isha lagu hayey, ayaa subaxnimadii hore ee saaka waxa si xad dhaaf ah ugu soo qulqulay taageerayaasha urur siyaasadeedka Waddani, kuwaasi oo iskaga kala imanayey guud ahaan xaafadaha Magaaladda Hargeysa, iyagga oo sitay calanka Waddani iyo Sawiradda Musharixiinta u tartamaya golaha deegaanka Hargeysa.
Fagaaraha beerta xoriyadda oo aanay hore u buuxin guud ahaan taageerayaashii ay soo bandhigeen shantii urur siyaasadeed ee hore cududooda u soo bandhigay, ayaa taageerayaasha urur siyaasadeedka Waddani buux dhaafiyeen, iyagga oo fagaraaha u badalay midabka calanka Waddani iyo Sawiradda Musharixiinta, sida sawiradda ka muuqatana waxa buuxsamay fagaaraha beerta xoriyadda.
Isku soo baxan ayaa waxa khudbado ka jeediyay qaar ka mid ah Musharixiinta u tartamaya golaha deegaanka Caasimadda iyo Masuuliyiinta sare ee urur siyaasadeedka Waddani, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Cali Waran-cadde, Axmed Xaaji Daahir iyo Maxamed Axmed Filan-waa, kuwaasi oo shacabka iyo taageerayaashooda ugu baaqay inay codkoodana u muujiyaan sida ay iskus oo baxeen oo kale.
Waxa kale oo halkaasi hadal dheer oo ku saabsan ololaha iyo guusha ay rajaynayaan ka jeediyay Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxaanu cududa taageerayaasha isku soo baxay ku tilmaamay Mucjiso
Xigasho:.Ramaasnews




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *