Urur Siyaasadeed Qurba Joog ah oo Maanta Loogu Wanqalay Hargiesa.(Salwa)

Hargeisa (Foorenews)-Gudoomiyaha golaha Wakiilada ee Jamhuuriyada Somaliland Md.C.raxmaan Maxamed C.laahi “Cirro” oo uu weheliyo Wasiirka Wasaarada Kallumaysiga iyo Khayraadka Bada Md.C.laahi Jaamac Cismaan “Geel jire” ayaa maanta ka qayb galay munaasibad balaadhan oo loo sameeyay furitaanka Ururka Wadaniga ah ee Salwa oo fadhigiisu yahay dalka Ingiriiska oo laga furay qayb ka mid ah ururkan Magaalada hargaysa.

Munaasibad loo sameeyay xadhig ka jarista Ururka Salwa oo lagu qabtay huteelka Imperial ee Caasimada hargaysa ayaa waxaa ka hadlay ugu horayn Gudoomiyaha Ururka Salwa Marwo Aniisa Cabdi oo ka warbixisay ujeedooyinka loo aasaasay ururkan oo ay ku bahoobeen haweenka Qurbo jooga ah oo ay hormood u tahay Caasha Xuseen Maraykan waxa ay gudoomiyahani xustay inay farxad gaar ah u tahay in ururkoodu uu xarun ku yeesho caasimada dalka ee hargaysa .Gudoomiyaha Ururka Salwa Marwo Aniisa Cabdi waxay ka hadashay hawlaha uu ururkoodu qabto kuwaas oo ay ku sheegtay horumarinta haweenka ee dhinacyada kala duwan ee nolosha mujtamaceena waxaanay intaas ku dartay in ururkoodu aanu wax lug ah ku lahayn arrimaha siyaasada .
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Jamhuuriyada Somaliland Md.C.raxmaan Maxamed C.laahi “Cirro” oo uu weheliyo Wasiirka Wasaarada Kallumaysiga iyo Khayraadka Bada Md.C.laahi Jaamac Cismaan “Geel jire” oo si wada jir ah madashaasi uga hadlay ayaa soo dhaweeyay kaalinta uu ururka Salwa kaga jiro arrimaha bulshada waxaanay sheegeen in ay aqoon gaar ah u leeyihiin haweenka hogaamiya ururkan oo ay ku sifeeyeen kuwo ay lafta kaga jirto damiirka wadaniyadeed iyo sidii ay dalkooda wax ugu qaban lahaayeen.
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada iyo Wasiirka Wasaarada Kaluumaysigu waxay cadeeyeen in wax kasta oo uu ururkani uga baahdo oo gacan qabasho ah ay u fidin doonaan waxaa kale oo ay intaas ku dareen inay ku rajo weyn yihiin sidii uu ururkani u gaadhi lahaa gobolada kale ee dalka




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *