Search

UOH: Jaamacad Qaran Oo Qarka U Saaran Inay U Xidhanto Rabshado Ay Dabada Ka Riixayaan Laba Macalin Oo Hore Looga Eryay

Waxa Tiraba 5 Jeer Jaamacada Hargeysa Rabshado Ka Gaystay Kooxo Dabaajiir Ah Oo Hayb Ahaan U Abaabulan Labadan Ninna Ugu Hiiliya.
Hargeysa (Foore) – Jaamacada Hargeysa oo ah Jaamacada Ugu Weyn Qaranka Somaliland ayaa qarka u saaran inay u xidhanto rabshado ay daba ka riixayaan laba macalin oo hore looga eryay Jaamacada Hargeysa Prof Axmed Ismaaciil Cadaad Iyo Prof Keyse Cali Geedi kadib markii ay la shaqayn kari waayeen maamulka,Ardayda iyo Macalimiinta iyo Xukuumadda Somaliland oo ku fashilantay inay Badbaadiso Jaamacadii keli ahayd ee Mustaqbka u ahayd Qaranka iyo Shacabka Somaliland,Sharcigana hor keeni kari wayday Labadaasi Dambiile.
Maalin Saddexaadii ayay ahayd markii ay Jaamacada oo Xaalada Degan ku jirta ay soo weerareen dabaajiir faashash,Budhadh,Tooriyo Iyo Dhagaxaan ku hubaysani,kuwaasi oo dhaawacyo u gaystay Macalimiintii Jaamacada,burburiyay Gaadiid Ilaa 40 gaadhi kor udhaafaya,waxa kale oo ay baadhasho iyo Jidh dil kula kaceen ardaydii Jaamacada Hargeysa oo markaa Imtixaan Shahaadiga u fadhiday,Halka ay Arday kale oo dibada ka soo galaysay Jaamacadana ay xoog kaga qaateen Labtoobyadii ay siteen. Markii ay hawlgalkaasi dhamaysteen waxa ay si aan leex leexasho lahayn dib ugu noqdeen Xaafadihii ay ka soo duuleen tageen ee laga soo diray oo ah Xaafada Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe.
Maaha Markii u haraysay ee ay Prof Axmed Ismaciil Cadaad iyo Keyse Cali Geedi Jaamacada Hargeysa oo ay dhigtaan arday ka soo jeeda dhamaan Somaliland oo dhan u soo adeegsadeen Dhalinyaro ka soo duulimaad tagtay Xaafadaha Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax oo ay labadooduba Hayb ahaan ka soo jeedaan,islamarkaana ay khasaare nafadeed iyo mid maal Jaamacada ka Gaystaan,balse Waa markii Afraad ama shanaad ee ay weerar noocan oo kale ah oo Labadaasi Shaqsi dabada ka riixayaan ay ka dhacaan. Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo laamaheeda Amaanka ayaa ceebta koowaad iska leh oo Tahli waayay inay Gacan birleh kaga qabtaan labadaasi shaqsi ee Qaabka Qabyaaladaysan dhalinyaro ay isku hayb yihiin ku soo jihaynaya meel ay wax ka bartaan Mustaqbalkii dalkani. Waxa sidoo kale ku ceebaysan Gudida Jaamacada Hargeysa oo ah hogaanka ugu sareeya Jaamacada inay wax ka qaban kari waayaan inay jaamacadii Qaranku noqoto meel Amaankeeda la isku halayn kari waayo,islamarkaana ay u xidhanto Laba nin oo jaamacada laga eryay. Waxa meesha ku jirta inay Laamaha Amaanka lafteeda saamaysay Nidaamka Qabyaaladeed ee Labadaasi shaqsi abuureen.
Sikastaba ha noqotee, Dhamaan Shacabka Somaliland iyo waalidiinta Ubadkoodu Wax ka bartaan Jaamacada Hargeysa ayaa isha ku haya qaabka ay umaareeyaan Masuuliyiinta Jaamacada Hargeysi Duruufahani la soo gudboonaaday ee ay Albaabada hoosta uga soo xidheen,waxaana laga dhursugayaa inay kulamadooda ka soo baxaan talaabooyin meesha ka saaraya inay mar dambe rabshado noocan oo kale ahi ka dhacaan Jaamacada Hargeysa.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *