Search

Ugaaska Guud Ee Beelaha Ayuub Sh. Isaxaaq Oo Naqdiyey Taageerada Madaxweyne Siilaanyo Ee Muj. Muuse Biixi

Ugaaska Oo Sheegay In Xisbiga KULMIYE Hayo Jidkii Burburka Ee UDUB Hore U Qaaday + Eedo uu Guddoomiye Muuse Biixi U Soo Jeediyey

Hargeysa (Foore)- Ugaaska Guud ee Beelaha Ayuub Sh.Isaxaaq Ugaas Ismaaciil Cabdi Huluul ayaa waxa uu ka hadlay Muranada hadheeyey Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye isaga oo ka muujiyey dareen aan wanaagsan xaalada uu ku sugan yahay xisbiga Kulmiye, waxaanu sheegay in ay arrintani tahay mid u muuqata in Xisbigii Kulmiye Cagta saarey Waddadii Burburka.
Waxa uu Ugaasku dhibaatadaas ka dhex taagan Xisbiga Kulmiye dusha u saarey Musharax Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo uu sheegay in ay ka danbeeyaan dhibta halkaas ka taagan maadaama ay cadaalad darro ku heshiiyeen, Madaxweynuhuna nimankaas isagaa Madaxa isku galiyey waayo haddii uu mar hore sheegi lahaa in aanu tartameynin Xisbigu wuxuu ku qanci lahaa in ay iska raacaan Musharax markaas diyaarka ah, lkn markii uu ka gaabsadey ee uu Wasiiradiisii qaar ka mid ah uu dhabarka taabtey maanta looma baahneyn in uu yidhaahdo (XAYDHA JECLI BEERKA JECLI), waxa kale oo kasii daran maadaama oo maanta tanaasuley waxay aheyd in uu ka fekero in uu soo saaro qof dalkan iyo dadkan u horseedi karta barwaaqo, laakiin Muuse Biixi ayaan keenay waa (KUD KA GUUR OO QANJO U GUUR) Dalkana looma tudhayo.
Ugaaska Guud ee Beelaha Ayuub Sh.Isaxaaq waxa kale oo uu si ba’an uga soo horjeestey Musharax Muuse Biixi kaas oo uu ku sababeeyey in aanu laheyn Dulqaad Hogaamineed yahayna nin Kaligii Talis ah dalkana aan u sahamin Karin Barwaaqo iyo Horumar, waxa uu Ugaasku ku tilmaamey Musharaxa Xisbiga Kulmiye ee Muuse Biixi nin xukun jecel Annaaniyad badanina ku jirto, mana laha aqoon siyaasadeed balse waxa uu talo adduun ka yaqaana Dil iyo Xidh taasina dalkan waxa ay u horseedi kartaa khalkhal iyo iska hor-imaado sababi kara inuu mar labaad dhiig ku daato dalkaas maanta Nabada iyo Barwaaqada ku jira.
Waxa kale oo uu yidhi (Ninka Maanta Madaxweynenimada Doonayaa waa ninka xubnihii ugu horeeyey ee uu magacaabo sidaad aragteen ayuu u qeybiyey in uu isla beeshii uu ka dhashey u kordhiyey 12 xubnood, taasina waxay muujinaysaa halka uu cadaalada ka taagan yahay ) annagu ka Beel ahaan waxaanu leenahay Muusoow Shaanidaada iska tuur tuur” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Ugaasku.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *