UCID Oo Ka Jawaabtay Eedo Kaga Yimid Xukuumada, Dr Cabdi Aw Daahirna Si Gaar Ah U Bartilmaameedsatay

Hargeysa (Foore) – Xisbgiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa jawaab ka bixiyay eedo kaga yimid wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland, kuwaas oo Guddoomiyaha UCID ku tilmaamay qof aan mabda’ siyaasiya lahayn balse wixiisu yihiin maalinba cida uu la joogo.
Xisbiga UCID ayaa sheegay in wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Cali uu ahaa shakhsigii Daahir Rayaale Kaahin ku sifeeyay Nabi, sidaa daraadeedna waxa uu ku tilmaamay Faysal Cali Waraabe ay cadayn u tahay shakhsiyada dhabta ah ee Dr Cabdi Aw Daahir.
War-saxaafadeed uu shalay Magaalada Hargeysa ka soo saaray afhayeenka ku meel-gaadhka ah ee xisbiga UCID Maxamed Xasan Khayre ayaa isaga oo dhamaystiran waxa uu u dhignaa sidan “Waxay ummada Somaliland u halgamaysay kuna hadaaqaysay in uu dhaco isbadal siyaasadeed oo lagu hoggaamiyo balse waxaa nasiib darro ah isbedalkii in uu noqday caytan labada habeenimo warbaahint lala soo fadhiisto oo ka fog luuqada siyaasiga ah ama masuuliyada uu leeyahay masuul qaran taas oo imika maraysa ilaa wasiirada in loo soo dhiibo caytanka .
Hadaba waxaynu wada arkaynay hadaladii ka soo yeedhay Dr. Cabdi Aw Daahir wasiirka xanaanada xoolaha iyo ereyada uu kaga hadlayey warbaahinta wax uu hore UDUB-tuu caayey ku sheegay isagoo xoghayaha guud ee UDUB ahaa Nabi in uu yahay gudoomiyaha UDUB oo markaas ahaa madaxwaynahii talada hayey ee Daahir Riyaale Kaahin.
Anigoo markaa ahaa xoghayihii Abaabulka ee arrimaha bulshada ee ururkii ASAD waxa uu nagu sheegay in aanu gaalownay Hadaba, Cabdi Awdaahir oo ku sheegya Gudoomiyha UCID Eng faysal Ali waraabe Maalinle waa ninka luuqadaa aan sheegay ku hadlayey markaa waxa Cad in uu isagu is tilmaamayey
Nasiib darada ummada Somailand haysata ee ay ku khasaareen codkii ay ku soo saareen xukumada aad hada ka tirsan tahay waa ta hanaankaa aad u hadlayso leh madaxwaynahu saqdii dhexe wuxuu ku hadlay umadu way ogayd.
Waxaa jirtay in aad ka caban jirteen waxyaalo badan oo ay ka mid ahayd dad ayaa la laynayaa aan waxba ka jirin imikana hadalkii mucaaridku yidhaaba hanjabaad ayaad iska hida raacdeen hadaad tahiin bahdiina xukuumadu sidiinii oo kale ayaa gacmaha la isa soo qabsan doonaa oo ka soo baxa la idin odhan doonaa bal markaas talaabada aad qaadaan waa loo wada joogi. Xisbiyada mucaaridku waxaay ka hadleen baylahda dalka muuqata oo ah
1: maamuul xumo talada dalka qastay oo ay ka marag kacayso xeer No:14/2011 ee gudoomiyha wakiiladu shalay badalay qodobadii khusaynayey shaadh leegna uu ka samaystay markaanu ku soo oognay in uu sharci darro golaha iyo gudoonkaba ku fadhiyo isagoo iska casilay.
2: Musuqmaasuqa baahay
3: Qabyaalada aan gabasho lahayn
4: Eex iyo Cadaalada Darro
Jawaab markaad u wayday qodobadaas warsaxaafadeedkayagu ku saabsanaa waxaad u leexatay caytan iyo aflagaado shaqsi sida madaxwaynahuba saqda dhexe waxaan loo fadhiyin warbaainta uga sii daayey.
Nabad galayo darada aad tilmaamtay meel ay kaga jirtay warsaxaafadeedkii ay xisbiyada mucaaridku qabteen ma jirto waxaanu xisbiga UCID ku caan baxay xaalad kasta oo aad murgisaan markaad mucaaridka ahaydeen in uu xisbigu saxo xaaladana caadi ku soo celiy ummada reer Somalilandna waa ka markhaati arrinkaa, Idinku hadaad mucaarid ahaydeen iyo hadaad kursigii imika ku fadhidaan caydiina iyo hanjabaadiinu kaba xun tii hore. Waxaaanu wali qadarinaynaa masuuliyadu waxa ay tahay caytamina mayno saqdhexe iyo hadhcad midnaba. Waxaan idin leenahay Ku soo Noqda , kusoo noqda ,Kusoo Noqda Luuqada siyaasada iyo afka masuulku ku hadlo.”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *