BREAKING NEWS
Search

UCID Oo Cayimay Wakhtiga Ay Qabsanayaan Shirweynahooda

Hargeysa (Foore) – Xisbiga mucaaradka ah ee Caddaaladda Iyo Daryeelka (UCID) ayaa shaaciyey wakhtiga rasmiga ah ee ay qabanayaa Shirweyinihii Xisbigaasi iyo mudada uu soconayo.

Masuuliyiinta Xisbiga oo shir ku yeeshay Xarunta dhexe ee Xisbiga ayaa la sheegay in ay go’aamiyeen in shirweyuhu Xisbigu dhaco 4ta ilaa 5ta Bisha Koowaad ee Sanadka Cusub 2012. Wararka arrintan la xidhiidha ayaa sheegaya in Shirweynaha xisbiga UCID uu socon doono muddo laba maalmood ah, in kasta oo aanay jirin warar si rasmi ah u shaacinaya mudadaasi in Xisbigu qabsonayo Shirweynihiisa oo ka soo baxay Xisbiga.

Xisbiga UCID ayaa muddooyin badan dib u dhacay xiligii ay ugu talo galeen in ay shirweynaha qabsadaan, taas oo ay sabab u ahayd Khilaaf Xisbigaasi soo kala dhex galay oo sababay in ay ka go’aan Masuuliyiin badan oo cudud ku lahaa ka dib markii khilaafkoodu gaadhay ilaa heer Maxkamadeed. Masuuliyiintaasi oo ay ka mid ahaayeen Hogaanka qalhtigan isugu tagay Urur Siyaasadeedka Wadani oo ka mid ah Urur Siyaasadeedyada cusub ee dalka lagaga dhawaaqay kuwooda ilaa hadda ugu miisaanka culus. Todobaadkii aynu soo dhaafnay ayay ahayd markii masuuliyiin xisbigan ka tirsan oo qurbe-joog ahi dalka ka soo dageen iyaga oo saxaafadda u sheegay in safarkoodu salka ku hayo sidii ay dib u habayn ballaadhan ugu samayn lahaayeen xisbigooda.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *