Tog wajaale wasaarada caafimaadka oo dhagaha ka furaysatay baahiyihii caafimaad ee kajiray

Magaalada Tog wajaale oo ah xuduuda u dhexaysa somaliland iyo ethiopia islamarkaana ay ku kulmaan ganacsato kakalayimaada
sida dalka aynu jaarka nahay ethiopia somaliland gudaheeda iyo ganacsata kale oo katimaada puntland iyo koonfurta somalia
wajaalena ay kulmiso ganacsigooda sida lawada ogyahay magaalada tog wajaale dadka kunool oo lagu qiyaaso 50.000
oo qof oo isugu jira dad ganacsi uyimid iyo dad degan magaaalad iyada oo aan lahayn adeegyadii aasaasiga ee lafdhabarta
u ahaa aadamaha sida biyaha iyo caafimaadka oo ah nolasha kowaad ee buni aadamka tog wajaale oo aan lahayn wax
caafimaada oo daboolikara bahida caafimaad ee kajirta magaalada ooleh 1 hal MCH oo kaliya oo ladhisay sanadkii 1997
taasi oon dabadeed wax dactira aan lagu samayn iyada oo aanay jirin wax dhismayaala oo lagu kordhiyay aanay jiri waxa kale oo dumay
suuliyadii ay xananadu lahayd wasaarada caafimaadka oo aanay jirin waxa ay ka qabatay baahiyaha caafimaad ee kajira
wajaale iyada oo maalin walba ku umulaan haween gaadhaya ilaa uguyaraa 200 boqol oo dumara oo aan helin adeegyadii caafimaad ee loogutalay waxa dhacda dumarka fooshu qabato marka adeeg loo waayo loola cararo magaaloyin kale oo kamid ah gabiley hargeysa iyo jigjiga dadka danyarta ah een aboodikarin inay geeyaan cusbital ay ku dhiig baxaan kuna geeriyoodaan m.c.h.ka tog wajaale wasiir adiga oo mar walba ku mash quula talaalka hayaduhu ku bixinayaa lacagaha maxa mar kaliya lagaaga waayay xuquuq dii bahicaafimaad ee dadka reer wajaale xaqa kuugu lahayeen inaad mar uun aad wax ka hir galisid adiga oo aan marna waxba kaqaban baahiyaha caafimaad ee kajira tog wajaale mudane wasiir adigoo xilka haya mudo 2.5 laba sano iyo badh ah habayaratee wax aad ka qabatay hawshii caafimaad ee qaranku kuu igmaday inaad dalka oo dhan aad wada gaadhsiiso balse aad ku dadaashay inaad meelo gaara gaadh siiso mashaariicdii loogu talagalay inaa dalka oo dhan wada gaadhsiiso anaga oo mar walba kaa daawana warbaahinta kala duwan aanad xadhiga kajarto hospitalo aanad gudoon siiso iyada oo wasii ay ogyihiin dadka reer tog wajaale in qalabkii loogu talagay xarunta caafimaadka loo leexiyey meelo kale lana gudoon siiyay waxakale oo jirta umulisooyinka kashaqeeya m.c.hka wajaale inaanay mushaar lahayn mudo 6 sanadood ah wasiirka yimaadaana uu magacyada uun ka qorto adiguna aad timid markaad xilka lawareegtay qoratayna shaqaalihii ka hawgalayey balse imaatinkaa aanu midhadhan xarunta caafimaadka wajaale oo wakhtigii ladhisay loogu talagay 1000 qoys ayaa maantana dadka wajaale degen gaadhayaan 50.000 kun oo qoys hadaba sadex qol oo 5 mitir ahi ma daboolikaraan baahida caafimaad ee kajirta tog wajaale waa su aal an way diinayo madax waynaha iyo wasiirkiisa caafimaadka dadka reer wajaale oo ah mudane madax wayne dadkii sida hagar la,aantaa ku siiyey codkoodii qaliga ahaa eed malintaa u baahnayd iyaga oo maalkooda muruqooda maskadooda kuu huray ayay maanta cidlo ka taagan yihiin adeegyadii aasaasiga ahaa ee nolosha aadamaaha tiir dhexaadka u ahaa oo ay ka kow yihiin biyaha iyo caafimaadka hadaba mudane maxadaxwayne codkayagu muu ahayn siyaaro ee dayn kugu maqan oolagaa sugayo ayuu ahaa allah mahadleh
qalinkii saxufi maxamed cabdilaahi Qombor tog wajaale




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *