Search

Tiradii Ugu Badnayd Ee Siyaasiyiinta Reer Awdal Oo Doorkan Isku Soo Taagay Loolanka Musharraxa M.Weyne Ku Xigeenka KULMIYE

Hargeysa (Foore) – Tirada Musharaxiinta hunguraynaya Booska Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Kulmiye ee ka soo jeeda Gobolka Awdal ayaa hadda kor u sii dhaafaya Shan Musharax oo qaarkood hankooda goob fagaare ah ka iclaamiyeen,halka kuwa kalena ku jiraan dhaq dhaqaaq hoose oo ay ugu diyaar garoobayaan inay calafkooda ka qaadaan Shirweynaha Golaha Dhexe oo lagu kala saarayo Musharaxiinta Madaxweynaha iyo ku xigeenka Xisbiga kulmiye ee kal dambe oo la rajaynayo inuu qabsoomo 10-ka Bishan fooda inagu soo haysa.
Ragga illaa hada la ogsoon yahay inay u taagan yihiin Tartanka Musharaxnimada Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga kulmiye ayaa waxa ka mid ah Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici,oo hada haya Xilka Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Xoghaya Golaha Guurtida Somaliland Cabdilaahi Ibraahim Habane(Cabdilaahi Dheere) Wasiirka Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Somaliland, Maxamed Jaamac Abgaal,Wasiirka Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Prof Faarax Cilmi Geedoole, Muj Cabdiraxmaan Awcali Faarax oo hore u soo qabtay Xilka Madaxweyne ku xigeenka Somaliland dawladii Alle Ha Unaxariistee Cabdiraxman Axmed Cali(Cabdiraxman Tuur).
Inkasta oo booska Madaxweyne ku xigeenka Somaliland hore looga soo naqayn jiray keliya siyaasiyiin Gobolka Awdal ka soo jeeda balse Waa markii u horaysay ee tiro intaasi leeg oo ka soo jeeda Gobolka Awdal ay ku loolamaan Kursiga Madaxweyne Ku xigeenka Kulmiye. Lama garanayo inay isku tanaasuli doonaan marka uu wakhtigu soo dhawaado iyo inkale balse shantooduba waxa ay wadaan olole xoogan oo xidhiidhsan Hargeysa illaa Boorama oo ay iskugu garbinayaan sidii uu midba midka kale ugaga guulaysan lahaa Kursigaasi,waxa kale oo ay loolan ugu jiraan helida kalsoonida Gobolka ay ka soo jeedaan ee Awdal. Cabdiraxmaan Saylaci ayaa qarka u saaran inuu ku hafto ragga badan ee xilka uu hayo ee uu doorkan dambena uu isku taagayo u hanqal taagaya, waxaanu isna dhinaciisa ka wadaa Kalsooni uu ka raadsanayo xaga xisbi Kulmiye, balse wax awood ah ama taageero ah kuma laha Gobolka uu ka soo jeedo ee Awdal.
Shacabka Gobolka Awdal ee uu dhalasho ahaan ka soo jeedo Xoghayaha Golaha Guurtida Somaliland Md. Cabdilaahi Ibraahim Habane ayaa si weyn u soo dhaweeyey ku dhawaaqista tartanka Musharraxnimo ee Madaxweyne ku xigeen ee uu darraad Khamiistii Iclaamiyey iyada oo guud ahaan Gobolka Awdal Laga dareemayo taageerada Cabdilaahi Dheere.
Dhinaca kale waxa iyaguna doorkan reer Awdal ku cidhiidhinaya Xilka Madaxweyne ku xigeenka Gobolada Bariga Somaliland kuwaasi oo olole xoogan ugu jira sidii ay markii u horaysay u qaban lahaayeen Booska Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo Kooto ugu Xidhnaan jiray Siyaasiyiinta ka soo jeedda Gobolka Awdal.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *