Search

Tifaftiraha Laanta Af-Soomaaliga Ee BBC Cabdiraxmaan Koronto Oo Warbixin Ka Diyaariyey Aragtidiisa Ugu Horraysay Ee Hargeysa

“Waxaan Is Idhi Laba Toddobaad Oo Aad Haysataa Kuguma Filna Ee Toddobaad Kale Maku Darsataa”…. Koronto

Hargeysa (Foore)- Tifaftiraha Laanta Af-soomaaliga ee BBC-da Mudane Cabdiraxmaan Koronto ayaa kelmado kooban ku cabbiray safar uu wakhtigan ku joogo caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo uu sheegay in ay tahay markii ugu horraysay ee uu gudaha magaalada u soo galo. Mr. Koronto oo hawlo shaqo u jooga Hargeysa waxa uu qoraal kooban ku baahiyey bartiisa xidhiidhka Bulshada ee FACEBOOK waxaanu yidhi sidan:
“Waa markii iigu horaysay ee aan gudaha u galo magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Fikirka aan ka haystay baaxadda magaaladu wuu ka duwan yahay kan dhabta ah.
Muddo laba saac ka badan ayay nagu qaadatay in gees ka gees aan Hargeysa baabuur ku soo marno.
Xaafado dhowr ah oo cusub ayaad ku arkaysaa Filooyin aad u qurux badan ayaa qaybo badan ka dhisan. inkastoo daaraha filooyinka ah ee cusub qaarkood Qurba-joogtu dhisteen si xilliga fasaxyada ay ugu soo dalxiis tagaan, ayaa la ii sheegay.
Xaafadaha qaar Ugaar ayaa ku nool. Qaybo ka mid ah magaaladu waxay xaafaduhu ku tiirsan yihiin biyo ay booyado u soo dhaamiyaan, waxaase la ii sheegay in ay jiraan qorshayaal ay xukuumaddu waddo oo la damacsan tahay in sanadaha soo socda looga gudbo biyo yaraanta xaafadaha qaar.
Inkastoo xiisad siyaasadeed ay ka dhex taagan tahay xisbiga Kulmiye ee talada haya, oo ku muransan cidda loo xulanayo in uu tartanka madaxwaynenimada u matalo xisbiga si doorashada Somaliland uu ugula tartamo xisbiyada kale tartanka madaxwaynenimada, Hadana amniga Hargeysa aad ayuu u sugan yahay, oo wax walwal ah lagama qabo xasiloon daro.
Ma arkaysid hub lala marayo ama taagan yahay waddooyinka, marka laga reebo maalintii xuska maalinta booliiska iyo marar kooban oo aan la kulmay booliiska oo baabuurta ku baaraya waqtiyada habeenkii Baro koontarool oo si kedis ah ay uga sameeyaan goobaha qaar, Waa tallaabooyin joogto ah oo amniga lagu sugayo ayaa la ii sheegay.
Inta gelinka hore ah, ayay shaqadu badan tahay, duhurkii qoraxdu way kulushahay oo cadceedda lama xamilo karo, ganacsiyadase siiba suuqyada magaalada habeenkii ayay dadku ku badan yihiin. Waxaan is iri suuqyada habeenkii furan, waxay kala mid tahay magaalooyin Carbeed oo aan horay u soo maray sida Dubai iyo Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta.
Hargeysa waxaan u tagay todobaad aan tababar bixinayo, waxaanse is iri, todobaad kuguma filnee tolow todobaad kale ma ku darsataa?




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *