BREAKING NEWS
Search

Telefishanka Qaranka SLNTV Oo Baahintiisu Gaadhay Waqooyiga Ameerika

Hargeysa (Foore)- Wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland ayaa maanta shaaca ka qaaday in TV-ga qaranka ee SLNTV ay baahintiisii gaadhsiiyeen markii u horeysay waqooyiga Maraykanka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta Md. Faysal Cali Sheekh oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaraddaasi ayaa tafaasiil ka bixiyay arrintan. “Waxaan shacbiga Somaliland eek u dhaqan waqooyiga Ameerika aan ugu bushaaraynayaa in TV-ga Qaranku uu xalay abaarro 3:30 habeenimo uu si toos ah u soo galay hawada oo laga daawanayo waqooyiga Ameerika, waxaanay u daawan karaan si toos ah. Arrintani waxay ka dhalatay rabitaan ka yimid dadweynaha Somaliland ee ku dhaqan halkaasi, runtii dedaal badan baanu u galay arrintan intii aan London joogay iyo intii aan soo noqdayba.”ayuu yidhi Faysa; Cali Sheekh.

“Runtii farxad aad iyo aad u weyn ayay noo tahay inaanu shacbiga Somaliland ugu bushaarayno in TV-ga Qaranka dhammaan adduunyada meel aan laga daawin karini aanay jirin oo baahintiisa adduunka oo dhan la gaadh siiyay. Waa Telefishankii u horeeyay ee marka Somaliland la yidhaahdo gaadha Waqooyiga Ameerika, waana waxqabad balaadhan oo ay samaysay dawladda dalka ka jirta.”
“Anagoo fulinayna balan qaadkii xukuumadda waxaanu dardar gelinayay baahinta Telefishanka qaranka, waxaana aanu ku hawlan nahay inaanu isbedel balaadhan ku sameyno Studio-yeyaasha TV-ga iyo Idaacadda,”ayuu yidhi Agaasimaha Guud.
Faysal Cali waxa uu intaasi ku daray in ku rajo weyn yihiin in idaacaddii weynayd dalka la keeno bilaha soo socda.

Agaasimuhu waxa uu hambalyo u diray madaxda iyo hawl wadeenadda TV-ga Qaranka iyo Idaacadda Radio Hargeysa oo uu ku majeertay kaalintii ay ka soo qaateen tabintii tartankii ciyaarihii Goboladda ee Axadii lagu soo gabo-gabeeyay Magaaladda Burco.

Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha TV-ga Qaranka Axmed Saleebaan Dhuxul oo sheegay inay TV-ga qaranku ay dedaal ugu jiraan sidii ay shacbiweynaha Somaliland uga haqabtiri lahaayeen hadba wixii ka jira dalkoodda, waxaanu tilmaamay inay ku faraxsan yihiin in TV-ga qaranku uu gaadho aduunyada oo dhan.
Mr. Dhuxul waxa uu dadweynaha ku dhaqan waqooyiga Ameerika u soo jeediyay inay tallooyinkooda ugu soo tabarucaan.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *