Tartan Kubbada Kolayga Ah Oo Lagu Xusayo Bisha Ramadaan Oo Ka Furmay Caasimada Hargeysa

Hargaysa (Foorenews):- Wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Md Cali Siciid Raygal, ayaa caawa garoonka kubbada gacmaha Tima-cadde ee magaaladan Hargaysa ka furay tartan kubada gacanta ee bisha barakaysan ee Ramadaan.

 

Tartankan dhinaca ciyaaraha kubbada kolayga ee loogu talo galay bisha Ramadaan ee furmay garoonka kubbada kolayga Tima-Cadde, oo ay soo qaban qaabisay waaxda xidhiidhka ciyaaraha kubbada kolayga ee wasaarada ciyaaraha. oo socon doona muddo shan iyo toban maalmood ah, ayaa waxaa ka qayb geli doona lix kooxood oo ah kuwa heerka koowaad ee kubbada caganta eek a jira caasimada Hargaysa, kuwaasi oo kala ah Hubaal, Nasiye, Sensi, Alpha University, Nagaad iyo Somaliland Canada. Waxa kale oo tartankan ka qayb qaadan doona kooxaha heerka labaad ee kubbada gacanta.

 

Iyada oo tartankaasi kubbada kolayga ciyaartii furtaanka ee caawa lagu furay labada kooxood ee Alpha university iyo kooxda Sensi, kuwaasi oo ciyaartii bilawga ahayd fooda isku daray.

furitaanka tartankan waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan wasaarada ciyaaraha oo uu ka mid ahaa wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha, maareeyaha hay’ada korontada Somaliland Md Wali Axmed Xaawo, guddoomiyaha xidhiidhka ciyaaraha fudud, guddoomiyaha xidhiidhka kubbada kolayga Somaliland Maxamuud C/laahi Xasan (Qodax), xubno ka socday bahda ciyaaraha, dadwayne tiro badan oo u soo diyaar garoobay daawashada ciyaarta iyo marti sharaf kale.

Wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Md Cali Siciid Raygal, oo furtaankii koobka tartanka ciyaartaasi hadal ka jeediyay ayaa faah-faahin ka bixiyay u jeedada tartankaasi ciyaaraha kubbada kolayga ee caawa ka furmay garoonka Tima-cadde, waxaanu sheegay in dhamaanba gobolada dalka oo dhan ay ka furmeen tartan noocan oo kale ahi.

 

Waxaanu yidhi “tartankan koobka ciyaarta kubbada kolayga ee caawa ka furmay garoonka Tima-Cadde kama ay furmin tima-cadde oo keliya laakiin manta Somaliland oo dhan waxa ka furmay tartankii bisha barakaysan ee Ramadaan socon jiray, ha u badnaato kubada cagta, saddex gobol ayuunbay ka socotaa kubbada kolaygu, waana munaasibad loogu talo galay bisha barakaysan ee ramadaan”.

Md Cali Siciid Raygal, waxa kale oo uu sheegay in ay xukuumada Somaliland ka go’antahay in ay kor u qaado isla markaana tayayso dhalinyarada dhinacyada waxbarashada iyo ciyaaraha, isaga oo xusay in tartamada noocan oo kale ahi ay yihiin kuwa looga danleeyay in lagu dhiiri geliyo dhalinyarada reer Somaliland ee ay camal la’aantu hayso. “waxay ka mid yihiin fursadahani kuwa lagu taageerayo ee kor loogu qaadayo mooraalkoodana lagu dhisayo dhalinyarada reer Somaliland ee ay shaqa la’aantu hayso, waxaana ka go’an xukuumada Somaliland in ay kor u qaado oo ay tayayso dhalinyarada, haday tahay dhinacyada ciyaaraha, waxbarashada iyo haday tahay horumarka la gaadhsiinayaba”. Ayuu yidhi Md Raygal.

Waxa kale oo uu wasiirku ku guubaabiyay dhalinyarada in ay ku dadaalaan ciyaaraha kala duwan kana qayb qaataan wakhtiyada ay firaaqada haystaan, waxaanu yidhi “dhalinyarada waxaan ku guubaabinayaa in ay ciyaaraha ciyaaraan wakhtiyada ay firaaqada leeyihiin, kana faa’iidaystaan iyaga oo ka helaya caafimaad, jidhkooduna ku dhismayo iyo fikirka oo ay isaga ilaaliyaan”.

guddoomiyaha xidhiidhka kubbada kolayga Somaliland Maxamuud C/laahi Xasan (Qodax), oo isna hadal ka jeediyay furitaanka ciyaartaasi ayaa si aad ah ugu mahad naqay wasiirka ciyaaraha Somaliland oo uu sheegay in uu suurto geliyay in tartankaasi uu qabsoomo, waxaanu sheegay in tartamadii sanadihii hore la qaban jiray ay gacan ka gaysan jireen qaar ka mid ah shirkadaha wadanka jira balse tartankani aanay jirin shirkad qudha oo gacan ka gaysatay.

Foore/Editor General

@Saddam Mohamed.

 




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *