Search

Taliye Fadal Oo Sheegay Inay Rag Hubaysan Qabteen iyo Farriinta Uu U Diray Dadka Muranka Dhul Ka Dhexeeyo

Hargeysa(FOORE)June-16-2015-Taliyaha guud ee booliska Somaliland Sarreeye guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo galinkii dambe ee Salaasada shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in ciidanka boolisku 7 nin oo hubaysan qabteen. Ragga la qabto oo mid ka mid ah la dhaawacay waxay ilaashanayeen dhul sida uu sheegay taliye Fadal, waxaanay ku hubaysnaayeen 4 qori oo AK-47 ah iyo gaadiid dhawr ah.

“Saaka (subaxnimadii salaasada) abaaro 9:00 subaxnimo, odayaal waayeel ayaa ciidanka booliska ku soo wargeliyey in dhulka Masalaha oo horena dil uga dhacay oo ku taal Koonfurta Magaalada Hargeysa inay rag hubeysan oo gaadhaya ilaa dhowr iyo labaatan ay joogaan, Ciidanka Boolisku iyaga oo gudanaya waajibka ka saaran nabadgelyadda qaranka Somaliland iyo bulshada reer Somaliland waxay ku baxeen ragga hubeysan oo weliba ka soo jeeda dhinacii falkii dilka nin dhinacooda ka tirsan uu ugu geystay, kadib markii ciidanka boolisku hawlgalkaasi galeen waxay raggaas kala hor yimaadeen iska caabin ama shaqo iska hortaag hubeysan oo ay rasaas ciidanka booliska ku soo rideen,” ayuu yidhi Taliye Fadal.
Waxa uu intaas ku daray Taliye Fadal “Ciidanka Boolisku iyaga oo cuskanaya sharciga sida uu sharcigu u baneynayo mar haddii hub lagala hor yimaad, difaacaya naftooda iyo ta qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo bulshada reer Somaliland-ba rasaas ayey qoladaasi (dabley hubeysan) kaga horeeyeen ayaa la is-weydaarsaday, rasaastaas hal nin oo qoladii hubeysnayd ee weerarka soo qaaday ayaa dhaawacmay, waxaanna goobtaasi laga soo qabtay toddoba eedaysane oo uu ka mid yahay eedaysanihii hoggaamiyay kooxdaas ee sida sharci-darrada ah u socotay, waxa kale oo la qabtay saddex gaadiidkii ay isticmaalayeen ah. Ciidanka boolisku markii lagala horyimi rasaasta waxay qabsadeen waajibkoodii, iyaga oo istifaacaya, hubkii lagu qabtay eedeysanayaasha 4-ta qoriba waa AK-47, waa qoryihii ay ciidanka booliska ku soo ridayeen, waxaanan marka kowaad halkan uga mahadcelinayaa Ilaahay (SWT), marka labaadna Ciidanka booliska Somaliland, dhamaan saraakiisha Ciidanka Booliska iyo ciidankii fuliyay hawlgankan.”
Taliyaha boolisku waxa uu farriin adag u diray dadka dhulka ku muransan“Waxa aan fariin uga dirayaa dadka danbi quudayaasha ah ee arrimaha dhulka hubka u soo qaata, in Ciidanka Boolisku isaga oo gudanaya waajibaadkiisa qaran oo aan sharciga ku xad-gudbayn, inay ka qaadi doonaan tallaabo adag. Ciidanka boolisku u dulqaadan maayo cid kasta oo hub soo qaadata, magaalo ha ahaato ama meel kale ha ahaato. Waa arrin sharciga khilaafsan had iyo jeer ay isticmaalaan dadka dhul-cunka ah. Gari laba nin kama wada qosliso, dhulka labada qof mid uun ayaa helaya, laakiin ciidanka boolisku waa fulin, oo ay shaqadoodu tahay inay waajibka qarannimo qabsadaan, meelkasta oo nabadgelyo- darro laga soo sheego ama cid hubeysan ciidanka boolisku way ka hawlgalayaan….Cid kasta oo isku dayda inay xoog isticmaasho oo ay hub adeegsato in aanay Ciidanka Boolisku u dul-qaadanayn oo ay gacan bir ah ku qabanayaan iyaga oo adeegsanaya sharciga, dadka nooca u dhaqmaana waxay la kulmi doonaan jawaab adag,” ayuu yidhi Taliyaha Booliska Somaliland.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *