BREAKING NEWS
Search

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Oo Sheegay In Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Caafimaadka Somaliya Muddo Safar Ku Joogay Hargeysa

Hargeysa (Foorenews) – Waaxda socdaalka Somaliland ayaa ka hadashay safar uu Magaaladda Hargeysa muddo dhoer maalmood ah ku joogay agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka dawlada ku meel-gaadhka ah ee Somaliya.


Taliyaha ayaa sheegay in Agaasimuhu ka mid ahaa rakaab ay siday diyaarada East Afrika oo muddo laba maalmood ah ciladi ku haysatay Madaarka diyaaradaha Berbera, taasina keentay inuu safar ku soo gaadho Hargeysa, inkasta oo Taliyuhu ku gaabsaday in agaasimahaasi kulamo la yeeshay masuuliyiinta wasaarada caafimaadka

Somaliland.Taliyaha laanta socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf (Cambaro) Wariye Xamse Cali Bulbul oo Telefiishanka Madax-banaan ee HCTV ka tirsani waydiiyey waxa ka jira in agaasimaga guud ee wasaarada caafimaadka Somaliya Hargeysa ku yimid safar laba maalmood qaatay, ayaa xaqiijiyey in agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka dawlada ku meel-gaadhka ah ee Somaliya Hargeysa ku sugnaa muddo laba maalmood ah isla-markaana muddo ku sugnaa.

Telefiishanka HCTV oo soo xiganaya Ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa sheegay in agaasimaha guud ee Wasaarada Caafimaadka TFG-da Somaliya uu kulamo lagu macneeyay isbarasho uu la yeeshay masuuliyiinta Wasaarada caafimaadka oo ay ka mid yihiin Wasiirka iyo agaasimaha guud.

 

Foore/Editor General

@Saddam Mohamed




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *