BREAKING NEWS
Search

Taliyaha Ciidanka Qaranka Oo Guddi Baadhitaan U Saaray Caaglayaal Ka Tirsan Ciidanka Qaranka Ee Gobolada Awdal Iyo Salal

Hargeysa (Foore) )- Febr-28-2013 -Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Md Ismacil Maxamed Shaqale ayaa koox saraakiil ah oo ilaa 15 xubnood ka kooban si kedis ah ugu diray fadhiisimada ciidamada qaranka Somaliland ay ku leeyihiin Gobolada Awdal iyo Salal si ay meesha uga saaraan wax loogu yeedho ‘caaglayaal’ waa magacyo faalso ah oo liiska ciidamada ku jira oo sifo sharci daro ah mushahar loogu qaato.
Gudidan odhatka ah ee taliyuhu u diray Fadhiisimada Ciidamada Qaranka ee Gobalada Awdal iyo Salal ayaa baadhitaankooda ku ekaynaya fadhiisimada ciidamada qaranka ee Goroyo Cawl, Boorama oo laba fadhiisimood ah,Madax-Dadleey, Xarriirad, Geerisa, Bariisle iyo lughaya oo dhamaantoodo ku yaala Gobolada Awdal iyo salal ee woqooyiga iyo Galbeedka Somaliland.
Sida wararka arintan laxidhiidhaa ay tibaaxayaan waa markii u horaysay ee Taliyaha ciidanka Qaranka Somaliland Md,Ismaciil maxamed Shaqale udiro gudi odhat ah fadhiisamada ciidamada qaranka ee gobolada Awdal iyo Salal, waxaana la saadaalinayaa in laga soo dhex qaban karo tiro caaglayaal ah oo gaadhay qiyaastii 200 askari oo caaglayaal ah oo intii Somaliland jirtaba sifo aan sharciga waafaq sanayn mushahar loogu qaadan jiray.
Maaha markii u horaysay ee Gudi Odhat ah oo noocan oo kale ah loo diro xeryaha ciidamada Qaranka balse waxaa jirtay in dhawr jeer oo hore gudi noocan oo kale ah lagu saaray ciidamada qaranka ee fadhiisimada ku leh Gobolada bariga iyo Gobolka Maroodijeex iyadoo laga sifeeyay dhamaan caaglayaashii ku jiray xeryahan, si buuxdana loogu guulaystay in laga dhawr soonaado in arintani soo noq-noqoto.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *