BREAKING NEWS
Search

Taliyaha Booska Somaliland Oo Faahfaahin Ka Bixyey Diray Cusub Oo Ciidanka Loo Sameeyey Kana Hadlay Arimo Kale

Hargeysa (Foorenews)- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa faahfaahin ka bixiyey Dirayska ay ku labisan-yihiin Ciidamadii dhawaan ka soo baxay Dugsiga Tobabarka Degmada Mandheera.

 

Taliyaha Booliska Somaliland Cabdilaahi Iimaan Fadal waxa kale oo uu ka hadlay hawl-galo ay fuliyeen Ciidanada Boolisku, kuwaas oo ay ku soo qab-qabteen Mukhadaraad iyo dadkii watay, waxaanu tilmaamay in Sharciga la hor-gayn doono.

 

Taliyaha Boolisku waxa uu sidaas ku sheegay Mar uu maanta Warbaainta kula hadlay Xafiiskiisa Magaaladda Hargeysa.

Ugu horayn Taliyaha oo ka hadlaya hawl-galadii ay fuliyeen ee ay ku qab-qabteen Mukhadaraadka, waxa uu yidhi “Booliska Somaliland wuxuu ku jiraa hawl-galadiisii lagu xoojinayey amaanka, waxaanu hawl-galadii ugu dambeeyay Ciidanka Boolisku qabtay Mukhadaraad Khamri samaysa ah iyo waxyaabo kale oo laga samaynayey, muddo dheer ayuu Ciidanka Boolisku arrintaas daba socday, waxaanu ku guulaystay in labadii eedaysane ee samaynayey ay gacanta ku dhigaan. Waxa kale oo aanu hawl-gal balaadhan xalay ka galnay Xaafada Daami Ciidanka Boolisku waxay ku guulaysteen dhawr goobood oo Mukhadaraadka lagu iibiyo, waxaanay ka soo dhabteen 14 Qof oo dhamaantood wax Sakhraansan iyo wax Caagado lagu soo qabtay, kuwaas oo Sharciga la horgayn doono”

Taliyaha Booliska Cabdilaahi Fadal waxa kale oo uu digiin u diray Dhalinyarada Rashka ku qarxiya Magaaladda waxaanu yidhi “Waxa kale oo muhiimada ugu weyni ee maanta aan idinku yeedhay tahay madaama oo ay Ciidii soo dhawdahay oo kala badhkii Bisha Ramadaan maanta la dhaafay dhibaataa soo kordhay, dhibaatadaasi waxa weeyaan bahalka Rashka la yidhaahdo ayaa waxaan halkan Bulshada reer Somaliland uga soo jeedinayaa Nimanka dhalinyarada ahaa ay dadka ama Masaajidada hortooda ama Dumarka-ba ay ku qarxinayaan, waxaan u soo jeedinayaa in arrintaas dadka Ganacsatada ahi ka waantoobaan oo dadka aan Xil-kaska ahayn ee ay ka iibinayaan aanay ka iibin cidii lagu helana talaabo Sharci ah laga qaadi-doono, waayo arrintaa Rashku khatarteeday leedahay dhalinyaradii waxa laga yaaba in Gabadh Xaamilo ah ay ku qarxiyaan oo dhibaato ka timaaddo, Masaajiday Xalay cawayskii Albaabada u dhigeen, waxaan uga digayaa Bulshada reer Somaliland inay ka feejig-naadaan oo cidii waxyaabahaas samaynaysa ay Ciidanka Booliska gacanta u soo galiyaan. Waxa kale oo hawl-galada Gobolka Togdheer habeen hore lagu qabtay shan Jirkaan oo Kharmi ah iyo cidii wadatay.”

 

Taliyaha Ciidanka Booliska oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Hawl-galadaasina waa qaa- joogto ah, waxa kale oo aan u digayaa dadweynaha Gaadiidlayda kala duwan ee hadda jeer, iyadda muddooyinka dambe Shilalku bateen, taas oo ay ugu wacan tahay xawaare dheeraad ah (High-Speed), taas oo ay dadbadani Nafahoodii ku waayeen, waxaan u soo jeedinayaa Darawaliinta Gaadiidka kala duwan inay u socdaan si caadi ah , cidii falalka noocaas ah lagu heli iyaddo oo xawli ku socota in talaabo adag laga qaadi-doono.”ayuu yidhi Md. Fadal.

Foore/Editor General

@Saddam Mohamed.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *