Search

Tahriibayaal Reer Somaliland Ah Oo Daacish Ka Afduubatay Liibiya Una Safriyeen Dalka Ciraaq Si Ay Jihaadka Ugala Qayb Galaan

Wiil Dhallinyaro Ah Oo FOORE Uga Warramay 7 Xubnood Oo Dhallinyaro Ah Oo Daacish Ka Qafaalatay Tripoli + Walaaca Waalidiinta Iyo Magaalooyinka Ay Ka Tahriibeen Markii Hore

Tripoli (Foore)- Dhallinyaro Tahriibayaal ah oo u dhashay Somaliland in muddo ahna ku sugnaa wadanka Liibiya ayaa wararka naga soo gaadhaya wadanka Liibiya waxa ay sheegayaan in ay u gacan galeen kooxda Daacish laanteeda Liibiya kuwaasi oo muddo maalmo ah markii ay hayeen u gudbiyey waddanka Ciraaq si ay dhallinyaradaasi uga qayb galaan dagaalka ay kooxda Daacish ka waddo dalalka Ciraaq iyo Suuriya.
Warkan dhiillada leh oo aanu ka helnay xubno ka mid ah dhallinyarada reer Somaliland ee tahriibayaasha ah ee wakhtigan ku sugan waddanka Liibiya ayaa waxa ay xaqiijiyeen in ku dhawaad 7 xubnoo oo dhallinyaro ah oo muddooyin kala duwan soo gaadhay wadanka Liibiya iyaga oo Tahriib ah ay qabsadeen kooxo la shaqaysta kooxda Daacish laanteeda Liibiya oo ah dhaqdhaqaaq imika awood badan ku Yeelanaya waddanka Liibiya ahna kooxdii dhawr bilood hor sida saf marka ah u laysay Itoobiyaankii Tahriibayaasha ahaa ee ay xeebta Liibiya ku xasuuqeen.
Axmed Cabdi-ladiif Xasan oo ka mid ah dhallinyarada reer Somaliland ee ku sugan wadanka Liibiya oo aanu khadka taleefanka kula xidhiidhnay waxa uu sheegayaa in inta illaa imika ay ogyihiin 7 xubnood oo dhallinyaro ah oo dhammaantood reer Somaliland ah ay kooxda Daacish ka kaxaysatay magaalada Tripoli ee caasimadda ah kuwaasi oo markii muddo la waayay aakhirkii la xaqiijiyey in kooxda Daacish ay dhalinyaradaasi u dirtay wadanka Ciraaq si ay Daacish ugu biiraan oo safkooda ka dagaalamaan.
Ninkan dhallinyarada ah ee aanu wax ka waydiinay arrinkan ayaa noo sheegay in Muddoba kooxda Daacish ee ka hawl gasha Liibiya ay wadeen ururinta dhallinyaro ay khasab ugu qaadaan dalalka Suuriya iyo Ciraaq ee ay kooxdu halganka ka waddo, markii horena ay ku koobnaayeen dhallinyarada Liibiyaanka ah balse ay imika u soo jeesteen dhallinyarada Muslimiinta ah ee dalkaasi soo gasha, jinsiyad kasta ha lahaadaane sidaa darteed maadaama ay Soomaalidu ka mid tahay dadka ugu badan ee Liibiya Tahriibta u soo mara ay dhallinyaradani sidaa gacantooda ugu dhaceen. “Laba wiig ayaa laga joogaa markii la waayay 18 dhallinyaro ah oo dhammaantood Soomaali ah isuguna jira reer Somaliland iyo Soomaaliyaba. Markii dhallinyaradaasi tahriibayaasha ah la waayay waxa naloo sheegay in kooxda Daacish kaxaysatay oo ay u safriyeen Ciraaq. Markii aanu daba gal ku samaysay waxaanu ogaanay aakhirkii ay 7 ka mid ahi ahaayeen dhallinyaro reer Somaliland ah oo dhalasho ahaan ka soo kala jeeda Boorama, Hargeysa iyo Burco. Cabsi badan ayaa noogu biiraysa magafayaashii” ayuu yidhi Axmed Cabdi-Ladiif Xasan oo (Gandi) loo yaqaanaa ahna wiil isagu ka tahriibay Hargeysa oo arrinkan xalay nooga warramay.
Noomay suurta galin in aanu hello magacyadooda oo dhan balse waxa maalmihii ugu dambeeyey arrinkan si weyn looga hadal hayay magaalada Boorama oo ay ku nool yihiin waalidiinta qaar ka mid ah dhallinyarada la afduubtay oo ku sugan, kuwaasi oo walaac weyn ka muujiyey xaaladda ubadkooda iyada oo aanay illaa imika garanayn meel ay ku sugan yihiin balse kaliya ay maqleen in ubadkaasi Ciraaq loo kaxaystay.
Si kastaba ha ahaatee dhacdadan ayaa ah mid naxdinteeda leh iyada oo ay ku soo kordhayso dhibtii marka horeba ka taagnayd xaaladda dhallinyarada dalka ka tahriibaysa annaga oo isku dayi doona in aan magacyadooda raadino dhallinyaradaasi.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *