BREAKING NEWS
Search

Tacsida Madaxweyne Siilaanyo ee Geerida Taliyihii Booliska Somaliland

Hargeisa (Foore) Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta tacsi u diray ehelkii, asxaabtii iyo qaranka Somaliland ba tacsiyadeeyay geeridii ku timid taliyihii ciidamada booliska Somaliland, Md. Maxamed Saqadhi Dubbad. War-saxaafadeed kooban oo uu na soo gaadhsiiyay afhayeenka madaxtooyada

Somaliland ayaa u dhignaa sidan: “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Ciidamada Ammaanka JSL, gaar ahaan Ciidanka Booliska JSL, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga Reer Somaliland, ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Taliyihii Ciidanka Booliska MARXUUM, GENERAL MAXAMED SAQADHI DUBAD oo ku geeriyooday ABU-DABAI, 22/03/2012, isagoo general-ku in muddo ahba halkaa u  joogay Xaalad Caafimaad.

Madaxweynuhu waxa uu MARXUUMKA ku tilmaamay Halyey Qaran oo kaalin adag ku baneeyey ILLAAHAY-NA waxa uu  MARXUUMKA uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Ciidamada Amaanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan Shacbiga Reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo. In-Naa Lillaahi Wa In-Naa Ilayhi Raajicuun.”




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *