BREAKING NEWS
Search

Taariikhdii SNM Iyo Waayihii Ay Soo Martay– Waraysi Gaar Ah Oo Cabdilaahi Beershiya La Yeeshay Maxamed Xaashi

Waa qaybo ka mid ah cutubka labaad ee buug aan dhowaan soo saari doono oo shirkada Asal aan ku wareejiyey laakiin weli qorshihiisu aanu dhammaan oo la magac baxay RAAD, qaybtana waa waraysi aan ka qaday Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, isaga oo si ballaadhan uga hadlaya SNM ayaa u yidhi sidan:

Fikirkii Samaynta SNM
Markii uu dhacay isku daygii afgenbigu, ee uu batay calaacalkii dadku, ee ay dheceen wax yaabo badan oo fawaaxish ahaa sida in la maqlo markabkii alaabta Berbera keenay, waxa la wareegtay dawladda iyo ninka doonaya inuu aroosto ha soo xidh-xidho dad magaalada Hargeysa ku nool si uu lacag uga helo, ayaanu rag badan isugu nimmi oo aannu nidhi maxaa inoo talo ah. Halkaas ayuu ka bilaabmay soo hadal qaadkii sameynta SNM, waqtigaas oo ku beegnaa sannadkii 1978-kii.
Sannadkaa waxaan fasax ku tegay magaalada London oo aan kula kulmay rag ay ka mid ahaayeen Maxamuud Sheekh Axmed, Yuusuf Cali Shaxaari iyo Mustafe Xaaji Nuur. Markii aannu rogrognay cabashadii dadka ayaan ku idhi waxaad joogtaan dal xor ah ee maxaad wax u qori weydeen, waxay ii sheegeen inay ka maqan yihiin waxyaabo badan oo u fududeyn lahaa, kadib markii aannu dhawr shir yeelanay ayaanu isla qaadanay in aannu Wargeys soo saarno.
Waxaan immi Magaalada Abu Dubia oo aan ka bilaabay in aan dhaqaale u ururiyo wargeyskaas, dabadeed waxaan u diyaariyey lacagtii ku baxaysay iyo shaqaalaha ka hawl geleya wargeyska mushaharkoodii oo ku filan muddo lix bilood ah.
Haddaba, nimankii aannu isku ogeyn inay wax qoraan, ayaa waxba qori waayey, dadkii lacagta aannu ka qaadneyna waxay nagu wareeriyeen su’aalo. Markay intaas dhacday ayaanu ku tashanay in aannu xisbi ka dhigno, fikirka sameynta SNM sidaas ayuu u bilaabmey.
Ugu horeyn SNM waxa lagu sameeyey Sucuudiga, waxaana lagaga dhawaaqay magaalada London ee carriga Ingiriiska, waayo in Sucuudiga lagaga dhawaaqaa aad ayey u adkayd, laakiin Sucuudigu qabiilku inay shiraan wuu oggolaa oo annaga oo shirayna haddii ay noo yimaadaan waxaannu ku tashanay in aannu u sheegno in gabadh aannu bixinayno.
Nin Sucuudi ah oo madax u ahaa mukhaabaraadka amma sirdoonka, ayaa wiil uu dhalay waxbarasha ka saaqiday, markaa nin annaga naga mid ah ayaa ku yidhi ninkii Sucuudiga ahaa waxa jira macallin wax dhigista aad ugu wanaagsan, dabadeed Alle ha u naxariistee Cumar Maygaag ayaa loo keenay inankii oo si wanaagsan wax ugu dhigay, wixii intaa ka dambeeyeyna imtixaankii ayuu gudbay, dabadeed ninkii ayaanu xidhiidh wanaagsan yeelanay, si uu noogu noqdo meel aanu ku baxsano haddii dawladu faraha la soo gasho shirarkayagaas.
Haddana, ninkaa mukhaarabaadka haystay ku-xigeenkiisii ayuu isna wiil uu dhalay saaqiday, isna wuxuu nala yeeshay xidhiidh markii ilmihiisii loo keenay Cumar Maygaag oo si layaab leh u caawiyey ugana dhigay ardey fiican.
Markii lagu dhawaaqayey SNM oo ku beegnayd sannadkii 1980-kii ayaanu tagnay magaalada London qorshahayaguna wuxuu ahaa in aannu dad kale ku soo darno, nin la odhan jiray Ismaaciil Jimcaale “Looyar Hawiye ah oo Xamar joogay” ayaanu u dirnay nin reer Somaliland ah oo Muqdisho ku dhashay, markaas ayuu nagu soo wargeliyey oo uu yidhi sannad na suga “si aannu Hawiyaha ugu bandhigno samaynta urur mucaarad ah”, waana sababta ku dhawaaqista ururka dib ugu dhigtay sannadkii 1981-kii.
Shirarkayagii horena waxaannu ku go’aansanay idinkoo Isaaq ah ha bixina, markaa waxaannu la xidhiidhnay oo kale niman Samaroon ahaa, oo aannu is lahayn iyaga iyo Hawiye midkoodna dawlad malaha, balse Ciisaha iyo Daaroodku waxay lahaayeen dawladdo, waxaanna soo jeediyey fikirkaasi Allaha u naxariistee Axmed Ismaaciil Cabdi (Duqsi).
Waxaannu samaynay guddi ay ku jiraan rag ka soo jeeda Samaroon, balse markii aannu baxnay ee aannu nidhi ina keena ayey Ilma Rabbiile “Jamaac Rabbiile Good iyo Muuse Rabbiile Good oo ka mid ahaa madaxdii dawladdii Siyaad Barre” ay u yimaaddeen nimankii Samaroon ee aanu wada hadalnay oo ay naga reebeen, Horena waxaanu ka warwareegaynay bixitaankayaga anaga oo qabiil kali ah ka kooban si aan loo odhan urur Isaaq ah ayaa la sameeyey.
Mid kalena way jirtay oo waxa caado ahayd in marka uu samaysmo urur Isaaq ah aanay gelin beelaha darafyadu oo Daaroodkuna isbahaysi ayuu samaysan jiray, Gadabuursiguna xisbi ayuu samaysan jiray.”
Maxamed Xaashi oo ka hadlayey tirada xubnihii ay ku aasaaseen ururka SNM waxa uu yidhi; “Waxaannu Sucuudiga iyo Abu Dubai kaga tagnay shan qof oo kala ahaa; Alle ha u anxariistee Axmed Ismaaciil Cabdi (Duqsi), Alle ha u naxariistee Xasan Aadan Waddaad-diid, Cabdisalaan Yaasiin, Maxamed Xuseen Yuusuf iyo aniga Maxamed Xaashi Cilmi, dhinaca magaalada London waxaannu ugu tagnay rag badan oo ay ka mid ahaayeen Xasan Ciise Jaamac, Axmed Cabdillaahi Cigaal, Cisman Axmed “Cisman Indhoole” iyo rag kale.”

Dhalashadii SNM iyo Dareenkii Dawladii Somaliya
Waxa jirtay muddo in aannu qarinaynay in aannu Itoobiya tegayno, waayo dadku aad ayuu uga soo horjeeday tegida ururka ee dalka Itoobiya. Markii aannu kaga soo dhawaaqay magacaabista ururka magaalada London, ayaanu dib ugu noqonay Sucuudiga, halkaas ayaanu olole ka galnay, kadibna sannadkii 1982-kii ayaanu samaysanay qaab-dhismeedkii ururka oo aannu Itoobiya u baxnay.
Dawladdii Siyaad Barre way ku adkaatay ku dhawaaqistii ururku, hore waxa u jirey ururkii SSDF, markii ay SNM samaysantayna waxay dareentay inay khatari meeshaas ka jirto amma ka soo socoto.
SSDF waxaannu kaga duwanayn xeryo ayaanu ka samaysanay Itoobiya, muddo ilaa toddoba bilood ah oo aannu Addis Ababa fadhinayna waxa la nagu lahaa SSDF isku darsada, annaguna waxaanu ku adkaysanaynay in aanaan ku biiri karayn ururkaasi.
Waxa jirtay mar laba wefti oo ay kala hoggaaminayeen Allaha u naxariistee Sheekh Yuusuf oo SNM hoggaaminayey iyo Cabdillaahi Yuusuf oo SSDF-ta hoggaaminayey ay tageen dalka Liibiya, kadibna Qadaafi oo Liibiya haystay ayaa yidhi isku biira, markaasuu Sheekh Yuusuf ku yidhi waxaannu arrintaa kaga dhawaaqi doonaa magaalada Addis Ababa si uu ugaga soo baxsado Liibiya. Markay Addis Ababa yimaaddeen ayaanu shirnay, waxaananu isla garanay in wax dan ah oo ku biirista SSDF noogu jiraa aanay jirin.

Taariikhdii SNM iyo Waayihii ay Soo Martay
Waa qaybo ka mid ah cutubka labaad ee buug aan dhowaan soo saari doono oo shirkada Asal aan ku wareejiyey laakiin weli qorshihiisu aanu dhammaan oo la magac baxay RAAD, qaybtana waa waraysi aan ka qaday Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, isaga oo si ballaadhan uga hadlaya SNM ayaa yidhi sidan:
Waxa Diyaariyey: Cabdilahi Beershiya
Waxa Waramaya: Eng: Maxamed Xaashi Cilmi
Qaybtii 2aad

Shirkii la doonayey in la isku kaayo daro ayaa loo muddeeyey maalin Jimce ah, dabadeedna hoolkii lagu shirayey ayaa wefti Liibiya ah iyo xubno Itoobiyaan ah galeen, in badan ayey ku jireen shir, kadibna waxaannu nidhi salaadda jimcaha aynu soo tukanee aynu u sheegno wafdiga shirka ku jira”, qoladii SSDF ayaa nagu tidhi maya ee aynu joogno waa la inoo yeedhee oo aynu sugno inta u wafdigu soo baxayo, annaguna waxaannu ku nidhi salaadda Ilaahay ayaa ka weyn oo waannu taganaynaa. Markii aannu albaabkii ku garaacnay qoladii shiraysay ileyn waxay noo soo dirayeen nin iyaga ka mid ah si uu noogu yidhaahdo maanta iska taga oo berri soo diyaargarooba.
Arrintii israaca iyo mideynta ahayd ee labada dawladood ee Itoobiya iyo Liibiya ka wada shaqaynayeenna halkaas ayey nagaga hadhay oo ninkii Itoobiyaanka ahaa ee arrinta ku jiray waxa laga dhigay safiir, weftigii Liibiyaankuna way iska laabteen.

SNM iyo Xidhiidhka ka dhexeeyey Itoobiya
Safiirkii Sweden u joogay dalka Eithopia ayaanu mar walba xidhiidh la yeelan jirney oo nin la yidhahdo Siciid Cabdilaahi Cigaal oo dalka Sweden degenaa ayaa mar kasta xidhiidhka safiirkaas noo diyaarin jirey.
Dhinaca kale ciddii ugu horreysay ee aannu dawladda Itoobiya kala kulanay wuxuu ahaa Hayle Maryama oo aannu Diridhaba kula kulanay, waa maalinta uu israaca nagala hadlayey oo SSDF gelinkii hore ayey la kulmeen annagana gelinkii dambe.

Dareenkii Itoobiya iyo Diidmadii SNM ee ku Biiridii SSDF
Markay Itoobiyaanku arkeen in israaca labada jabhadood aanu ka soconayn wax is beddel ah kumay samayn xidhiidhkii naga dhexeeyey, inkasta oo maalintii aanu heshiiskaasi diidney xataa ay naga joojiyeen gaadhigii la nagu qaadi jirey marka aanu shirka ku sii socono amma aanu ka soo baxno.
Dhinacayaga waxa noo soo baxay shirkaa ka dib in aanay Itoobiya waxba noo ool oo ay mudan tahay in aanu iska tango, markaasay Itoobiyaanku isku dayeen inay nagu qanciyaan in aanu dalkooda sii joogno. Waqtigaas wax ciidan ah oo la sheego waxa noo joogay ciidankii uu gacanta ku hayey Maxamed Cali oo degenaa meelo ay ka mid ahaayeen Gobyaray, Durya iyo meelo u dhaw, annaguna isla markii ugu horeysayba waxaanu samaysanay xeryo gaar ah oo xuduudka ku taxan, laakiin siddii aan hore u soo sheegay jabhadii SSDF waxay ku tababaran jireen oo ay degenaayeen xeryo Itoobiyaan leeyahay.
Waxa laga bilaabay tababarka ciidammada meel Jigjiga agteeda ah oo la yidhaahdo Jinacsanay, waqtigaa waxoogaa ayey ahaayeen tirada ciidammadu oo qiyaas ahaan kamay badnayn laba boqol oo askari haddii aanay kaba yarayn, tababarkana waxa bixin jiray niman Itoobiyaan ah, niman innaga (Somaliland) ah oo ka si madaxbannaan ciidammada u tobabari jirey sida Axmed Diiriye. Dhinaca abaanduulayaasha ciiddankii SNM waxa ugu horeeyey Siciid Cabdillaahi, waxaana ku xigay Alle ha u naxanriistee Aadan Shiine.
Xoogeysigii SNM amma xilligii dadku ku soo biireen waxay bilaabantay markii aannu degnay, dawlada Itoobiyana si wanaagsan noomay aqoonsan ilaa ay arkeen inamadii ardayda ahaa ee 22-kii bishii February 1982-kii, bannaan baxa ka sameeyey magaalada Hargeysa, sidoo kale waxa arrimmahaas sii adkeeyey markii Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) iyo raggii kale ay jabiyeen jeelka Mandheera.
Intaa kadib waxa isbiirsaday ardaydii iyo dadkii kale ee soo tallaabayey, waxase dadka badankoodu soo baxeen markii aannu magaalooyinka waaweyn galnay oo ku beegnayd sannadkii 1988-kii, sidaas ayuu ururkii SNM ku xooggeystay.
Markii dhawrkaa dhaco oo muhiim ahaa iska daba dheceen ayey jabhadii SNM bilawday inay ka guurto xuduudka Itoobiya oo ay soo gasho gudaha dalka gaar ahaan magaalooyinka waaweyn.

Hawlihii u Qaban Jiray Intii Halganku Socday
Marka aannu wax uga baahano dibedda ayaan Sucuudiga tagi jiray, inta badanse waxaan joogay magaalooyinka Diradhaba, Addis Ababa iyo Jigjiga, markii dambe qaybta saadka ayaan masuul ka ahaa oo ciidankii 4aad ee degganaa Lafta-faraweyne ayaan maamulka u hayey.
Safarrada aan dibedda ugu bixi jiray wax cidhiidhi ah inta badan kalama aan kulmi jirin, maxaa yeelay dawladdii Siyaad Barre goor la nacay bay ahayd, oo marka musuq-maasuqu iyo dhibaatadu badato dawladaha waa la nacaa. Waxa kale oo jiray in markii hore dawladdii Siyaad Barre qaadatey nidaamkii Hantiwadaaga ahaa hadana ay ka guurtay aragideedii oo Maraykanka mabda’iisii qaadatay, tallaabooyinkaasi waxba umay soo kordhin ee iyagaaba inta badan dawladaha is nacsiinayey.

Taariikhdii SNM iyo Waayihii ay Soo Martay
Waa qaybo ka mid ah cutubka labaad ee buug aan dhowaan soo saari doono oo shirkada Asal aan ku wareejiyey laakiin weli qorshihiisu aanu dhammaan oo la magac baxay RAAD, qaybtana waa waraysi aan ka qaday Eng. Maxamed Xaashi Cilmi, isaga oo si ballaadhan uga hadlaya SNM ayaa yidhi sidan:
Waxa Diyaariyey: Cabdilahi Beershiya
Waxa Waramaya: Eng: Maxamed Xaashi Cilmi
Qaybtii 3aad

Qaabkii loo Dooran Jiray Hoggaanka SNM
Horta SNM madaxdeeda way dooran jirtay oo waannu kaga dawanayn jabhadii kale dhinaca doorashada, markaa shirarka ayaan waqtigooda la qaban jirin oo kolba ninka madaxda ah wuu ka yar warweegi jiray inuu shirarka wax lagu dooranayo qabto.
Arrintaasina waxay ahayd tii nagu dhalisay in aanu samayno golaha Guurtida annaga oo deggan tuulada la yidhaa Cadaroosh oo aanu isugu yeedhnay odayaashii, markaasaanu ka reebnay wixii SNM-ta hore u joogay oo waxaannu keenay dadkii cusbaa ee dalka ka soo baxay. Guurtidu halkaas ayey ka soo bilaabantay, waanay hagaagsanayd oo waxay naga caawin jireen wixii khilaafaad ah ee dhaca iyo heshiisiinta.
Watigaas aanu guurtida iskugu yeedhnay waxay ku beegnayd markii labada dawladood [Ethiopia iyo Somalia] heshiiyeen ee maamulkayagu qasnaa. Markiise ay Guurtidu magaalada soo galeen ee ay madaxdii la kulmeen ee ay bac yar wax ku riteen waxay noqotay Guurti kharibantay.

Dawladihii Taageeri Jiray SNM
Sida dhacda ee ay dadku ka wada dheragsan yihiin dhammaan jabhadaha la dagaallama dawladaha ka jira dalkooda waxay dabada ku hayaan oo ay taageero ka helaan dawlado kale oo ka soo horjeeda nidaamka maamul ee ka jira dalka ay jabhadu ku kacsan tahay.
Haddaba, Eng. Maxamed Xaashi oo ka hadlayey in ay jireen dawladdo kale oo SNM ku taageeri jiray halgankooda ayaa yidhi; “Dawladdii Cadan [Yemen] ayaa na siisay waxoogaa hub ah oo aan badneyn, marka laga reebo dawladda Itoobiya jabhadu waxay taageero badan ka heli jirtay dadka reer Somaliland ee may jirin dawlad si rasmi ah noo siin jirtay taageero milatari iyo mid hantiyeed toona.”

SNM iyo Aragtidii Dawladaha Jaarku ka qabeen
Dawladda Ethiopia waxay SNM siisay saldhigyo, laakiin dawladda Djibouti umay fiicnayn jabhadda, sababta oo ah waxa jirey dad ay dhiibtay xataa anniga iyo Dugsi waxa la nagu xidhay Djibouti oo waxaabay isku dayeen in ay noo dhiibaan dawladdii Siyaad Barre. haseyeeshee, waxa aad noogu fiicnaa dadka Ciisaha ah ee deggan dalka Somaliland oo noo samayn jiray sahanka iyo adeega aannu uga baahano.

SNM iyo Siday Dalka u Soo Gashay
Markay SNM bilowday inay soo gasho buuraha dalka, waxay ahayd tijaabo lagu jabay haddana lagu reeyey, sababta oo ah markii dambe ee aannu dalka soo galnay ayaanu tegi lahayn buuraha, dabadeedna waa lagu jabi lahaa. Sidaadarteed, dagaalkii buuruhu wuxuu ahaa mid wax badan fahansiiyey xooggagii SNM.
Waxyaabo badan ayaa SNM ku dhiiri geliyey inay dalka soo galaan inaga oo ka soo qaadan karna arriamahan soo socda:
• Iyaga oo go’aan ku gaadhay inay ciidankii xoogga dalka Soomaaliyeed ee dawladdii Afweyne lagula dagaallami karo oo keliya magaalooyinka, si ay taasi u suurtogashana waxa la isku raacay in dalka la soo galo.
• Waxa aad noo caawisay oo na dhiirrigeliysay sahankayaga oo aan fiicneyn, waayo dadku waxay noo sheegi jireen oo keliya in aanay waxba naga horreyn, illeyn Libaax nimaan aqoon ayaa Lax ka rita’e, waxyaabahaas waxay nagu dhiirrigeliyeen in aannu isku soo maqiiqno dalka.
Heshiiskii labaada dhinac [Ethiopia & Somaliya] inuu dhacayo waannu dareensanayn, waayo waxa Ethiopia iman jiray nin la odhan jiray Ina Xaashi, magaciisa waan illowsanahaye, laakiin dawladda Ethiopia wax ogeysiis ah oo ay naga siisay may jirin, ananguna waxaannu ka maqalnay warbaahinta, arrintaasina aad ayey noo caawisay, sababta oo ah waxa in badan dib-u-dhici lahaa soo gelidayadii oo waannu habsaami lahayn.

Markii u soo Baxay Fikirika Goosashada Somaliland
Goosashadu waxay nagu soo dhacday markii Cabdillaahi Yuusuf oo haystay ciidamo badan oo ku filiqsanaa Aw-barre, Gaashaamo ilaa xadka uu nagala baxsaday oo uu meesha Gallaadi la yidhaa geeyey, sababta uu sidaa u yeelayna waxay ahayd markii ciidamo ay leeyihiin reerka loo yaqaano Ciise Maxamuud (jilib ka mid ah Majeerteenku) sheegeen inay SNM-ta ku soo biirayaan, kuwaas oo lagu horjoogsaday meel Jigjiga ka sokeysa, dabadeed meeshii ayaa nagu bannaanatay oo waxaannu weynay cid dagaalka nala gasha.
Markay heshiiyeen labada dawladood, waxay u ekaatay inuu maamulkii naga dabcay, dhinaca kalena dadkeenu kuma wanaagsana shaqada. Way dhici kartaa inay jireen waxoogaa khilaaf ah, laakiin may keenin isku dhac oo sida la wada og yahay jabhaduhu iyaga dhexdooda ayaa is laaya, taasina nagumay dhicin.
Haddaba, markii khilaafaadku dhaceen ee aynu dalka soo galnay, waxa jiray isku dayo lagu dhammaynayo khilaafaadkaas, waxa la qabtey shirar badan ka hor intii aan la qaban shirkii magaalada Burco, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen shirar lagu qabtay magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, oo lagu qaadaa dhigayey sidii la isugu yeedhi lahaa beelihii kale ee aan SNM-ta ahayn.
Haddii aan u soo noqdo shirkii Burco ka dhacay, dadka ka soo qaybgalay si wanaagsan ayey u soo ajiibeen, wufuudii meesha isugu timidna way is afgarteen oo waxay isla qaateen ajandihii shirka.
Haddaba, halkaas ayaa lagu go’aansaday in Somaliland lagu gooyo, SNM-na ay maamulka sii hayso, waxaan intaa ku darayaa marka dib loo eego shirarka aynu isugu nimaadnaa waxay ku dhammaadaan guul, waayo hadalka la dhibsado ee ah wixii daantana dabayli ha qaado, wixii daantaa ahna daad ha qaado Inta badan waa mid si niyad sami ah loo leeyahay, sababta oo ah inta aan xasuusto ma garanayo shir aynu isku afgaran weynay, taasina waxaynu kaga duwannahay Soomaalida kale ee dhibtu ka jirto.
Intii lagu jiray labadaa sanno ee ay SNM xilka haysay wax xil ah oo aan qabtay muu jirin. Shirkii Burco Waxa ku xigay kullankii ka dhacay magaalada Boorama oo lagu soo doortay Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, intii uu Cigaal xilka hayey waxa dhacay khaladaad la sameeyey oo keenay inuu bilaabmo dagaalkii sokeeye. Waxase hagaagsanaan lahayd markii la doortay Cigaal inuu Hargeysa dhaafo oo uu gobollada kale tago si uu maamulka u ballaadhiyo. Dhammaad. Qaybaha kale waxa aad ka akhri doontaan marka u soo baxo buugga Raad.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *