BREAKING NEWS
Search

Taageerayaasha Maxamed Muuse Abees Iyo Xuseen Axmed Caydiid Oo Qolo Waliba Dhinacooda Isugu Hambalyeysay Buuxinta Booska Golaha Wakiilada, Waraaqo Kala Duwan Oo Suuqyada Soo Galay Iyo Taageerada Xubno Xukuumadda Ka Tirsani U Muujiyeen Siyaasi Abees

Hargeysa, April 17, 2018- (Foore)- Waraaqo ay ku qoran yihiin natiijooyinkii Xisbiga KULMIYE ka helay xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Doorashadii 2005 dalka ka qabsoontay oo ay ku xardhan yihiin natiijooyin kala duwan oo la xidhiidha cidda xildhibaanadii wakhtigaasi KULMIYE ka tartamay uga soo buuxinaysa booskooda maadaama uu dhawaan golaha ka baxay Alle Ha U Naxariistee Marxuum Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybem qoraaladaasi oo xalay suuqyada soo galay.
Taageerayaasha Siyaasi Maxamed Muuse Abees Faarax oo wakhtigan ah Wasiir ku xigeenka Warfaafinta, wakhtigaana u tartamay Xildhibaanimo Gobolka Maroodi Jeex oo KULMIYE ah ayaa waxa ay xalay si weyn ugu dabbaal degeen isuguna hambalyeeyeen baraha xidhiidhka Bulshada iyaga oo taageerayaasha Siyaasi Maxamed Muuse Abees ay isugu hambalyeynayeen in cidda Keydka KULMIYE ahayd ee booska Golaha Wakiilada noqonaysaa uu isaga yahay halka kuwo kalena dhinacooda hambalyo uga dirayeen Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid Warsame oo wakhtigan ka tirsan xisbiga WADDANI balse isna wakhtigaasi ahaa siyaasi u tartamay xildhibaanimada xisbiga KULMIYE ee Maroodi Jeex oo dhawaanahan la hadal hayay in uu isaga yahay siyaasiga soo buuxinaya Golaha Wakiiladu.
Wargeyska Foore oo xalay u kuur galay xaaladahan kala duwan ayaa helay qoraallada labada ah ee kala duwan ee taageerayaasha labadan nin qoloba dhinac ula kacday waxaanay labadaasi dhukumanti kala sheegayaan sidan:
Warqadda sheegaysa in Maxamed Muuse Abees Golaha buuxinayo:
Warqaddan waxa ku qoran 20-kii xildhibaan ee u tartamay xisbiga KULMIYE waxaana tirada uu wakhtigaasi Maxamed Muuse Abees helay sheegaysaa in ay tahay 3986 halka Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid ka haystay 3981 balse kala sarraynta Siyaasi Abees waxa uu ku jiray kaalinta 14aad isaga oo ay ku qornayd Kedka Lixaad waxaana ka horreeyey Kaydka 1aad oo ahaa Cabdilaahi Balaaki, Kaydka 2aad oo ah Marxuum Ismaaciil Mahdi, Kaydka 3aad oo ahaa Maxamuud Jaamac Warfaa oo wakhtigan golaha ka mid ah, kaydka 4aad Marxuum Maxamed Cabdi Iskeersi iyo Kaydka 5aad oo uu ku jiro Xuseen Axmed Caydiid. Warqaddan ayaa sheegaysa inkasta oo Maxamed Muuse Abees ku jiray Keydka 6aad uu haddana tirada ka badan yahay Xuseen Axmed Caydiid oo ay kala haystaan 3986 iyo Xuseen Axmed Caydiid oo ay ugu qoran tahay 3981. Waxaana dhacday in xalay xataa masuuliyiin dawladda ka tirsan oo ay usku hayb yihiin siyaasi Maxamed Muuse Abees ugu ducaynayeen uguna hambalyeynayeen masabkaasi buuxinta Xildhibaanimada Golaha Wakiilada.
Warqadda Kale Ee Sheegaysa In Xuseen Axmed Caydiid Golaha Buuxinayo:
Maalmihii ugu dambeeyey waxa hadal hayn badani sheegaysay in Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid Warsame oo wakhtigan WADDANI ka tirsani uu buuxinayo mansabka ka bannaanaaday Golaha Wakiilada. Warqadda ay taageerayaasha Xuseen Axmed Caydiid iyana baraha Bulshada soo dhigayeen waxa ay sheegaysaa in uu wakhtigaasi helay codad dhan 3981 oo uu kaalinta 13aad kaga jiray liiska xildhibaanada KULMIYE ee 20-ka ahaa isaga oo ahaa kaydka 5aad oo uu ka sarreeyo Maxamed Muuse Abees oo ku jiray kaalinta 14aad haystayna 3979 ahaana keydka 6aad. Waxaana isna dhiniciisa hambalyo u dirayay dad badan oo ay isku hayb yihiin Xuseen Axmed Caydiid iyo waliba taageerayaal xisbiga WADDANI ah.
Wargeyska Foore oo xalay khadka taleefanka kula xidhiidhay Afhayeenka Komishanka Doorashooyinka qaranka Mudane Siciid Cali Muuse ayaa waxa uu masuulkani noo sheegay in aanay in aanay jirin wax qoraal ah oo ka soo baxay dhinacooda waxaa la sheegayana aanay waxba kala socon.

Waraaqaha la wareeinayo:




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *