Search

Taageerayaal Tiro Badan Oo Ku Biirey Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Ucid

Hargeysa (Foore):- Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID ayaa munaasibad soo dhaweyn ah ku qaabilay Kooxo u soo diga rogtey oo ay ka mid yihiin Garab Haweena oo hore Xisbiga KULMIYE uga tirsana kana baxay,isla markaana ku soo biirey Xisbiga UCID, Ururka Hidaha iyo Dhaqanka SOSYO,Koox ka tirsanayd Ururka NASIYE,Qaar ka mid ah Ardeyda Jaamacada Arabsiya, Aqoonyahan iyo masuuliyiin miisaan culus iyo marti- sharaf kale.

Xafladan soo dhaweynta oo maanta lagu qabtey Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa,waxa ka soo qeybgalay Murrashaxa Jagada madaxweynanimada ee UCID-da cusub Jamaal Cali Xuseen, guddoomiye kuxigeenka kowaad ee Xisbiga Aadan Jaamac Hoori, Guddoomiye kuxigeenka 3aad ee Xisbiga Cali Gurey, Garabyada Haweenka ee Xisbiga UCID, qaar ka mid murrashixiinta Xisbiga UCID u mateli doona tartanka doorashada Golayaasha deegaanka, taageerayaal, dhalinyaro, dumar, odayaal iyo Murrashaxa jagada madaxweynanimada UCID-da cusub Jamaal Cali Xuseen oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa u yidhi “Xafladan maanta wey ka duwan tahay xafaladihii hore ee aanu u qaban jirnau murrashixiinta ku tartamaya Golaha deegaanka, waxa halkan jooga aqoonyahankii iyo dhalinyaradii Ururadii iyo Xisbiyadii hadhay oo ku midoobay Xisbiga UCID oo u hogaaminayey Cabdale Cabdiraxmaan Cabdilaahi, Waxa kale oo jooga Ururka SOSYO oo uu hogaaminayo Cabdiraxmaan Xasan, waxa Kale oo jira qeyb haweena oo ka soo go’ay Xisbiga KULMIYE oo ah Xaafada Sheekh Madar, Waxa kale oo halkan jooga qeyb ka mid ah Ururka NASIYE oo ay hogaaminaysay Khayraad, Ururka Ardeyda Jaamacadaha oo ka yimid Arabsiyo dhamaantiin waan idiin soo dhaweynayaa”.

“Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka UCID waa Xisbi u heelan inuu soo dhaweeyo dhalinyarada oo uu dareemaya mawqifkooda, dhalinyarada ayuu dareemaya dhibaatada haysata,annagu intii itaal-kayaga ah xooga ayaanu saareynaa dhalinyarada, waxaanu og-nahay inay dhalinyarada iyo haweenkuba yihiin 70% ama 80% inta codeysa ee soo saarta Xisbi kasta iyo dawlad kasta oo ka dhalaya Somaliland waxaanad mooda in marka hore lagu guuro (Dhalinyarada) marka danbe-na laga guuro waa ayaan-darro ayaan leeyahay, waa in dhalinyarada la eega mowqofkooda, waayo dhalinyaradu waa laf-dhabartii waddanka”.

“Xisbiga UCID wakhti yar gudahood ayuu Siyaasadii waddanka dardar culus geliyey shan todobaad ayuu Xisbigu Bari ilaa Galbeed ku foofay oo laga taageersan yahay, waana Xisbi markii horeba la yaqaanay waana Xisbi dadka reer-miyigu garanayaan maaha Ururadan cusub ee dadku magacoodiiba kareyn, way garanayaan waanay garteen dhiiga cusub ee Xisbiga lagu shubay iyo dadka ku soo biirey waana Xisbi ay aaminayaan.Waxa la soo gaadhay xiligii ay dadku u codeyn lahaayeen Xisbiga UCID annaguna is-dhigan mayno”

“Xisbiga UCID markii hore waa laga hiiliyey waxaan hubaa inay bulshada Somaliland inay imika diyaar u tahay inay u hiiliso markan, markani waa markii Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka ee UCID soo bixi lahaa ee ay waddanka majaraha u qaban lahaayeen”.Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
“Qofkasta oo Xisbiga soo galaya oo taageeraya waa loo baahan yahay, intiina halkan fadhida marka aad halkan ka baxdaan inta aad warqad iyo qalin soo qaadataan liis toban qof ah qor oo ka soo dhaadhici Xisbiga UCID sida ay hawluhu u socdaan waxa jira dad aan hawlaha la soconine”
Ifraax Maxamed Jaamac oo iyadaduna halkaasi ka hadashay ayaa waxay tidhi“Waxaan halkan ka cadeynayaa inaanu garab istaagno Jamaal Cali Xuseen guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo aanu hiil iyo hooba la garab istaagno, shacabka reer Somaliland waxaan leeyahay Siyaasiga magaca-weyn leh ee sinaanta iyo nabada jecel Jamaal codkiina siiya”.
Nimco Cabdle Faarax oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa waxay tidhi “Annagu waxaanu nahay qolada ka soo baxday Xisbiga KULMIYE ee ku soo biirtey Xisbiga UCID, gaar ahaan dhalinyarada Sheekh Madar”
Khayraad Ibraahim Ismaaciil oo ku hadlay Koox ay hogaaminaysay oo ka soo baxay Urur Siyaasadeedka NASIYE, waxaanay tidhi “Waxaanu nahay Koox ka soo baxday Urur-Siyaasadeedka NASIYE oo waxaanu ku soo biirnay Xisbiga UCID, markaa waxaan leeyahay dhalinyarada Somaliland in baddan ayaad kaga hiiliseen (UCID) ee maanta u hiiliya,”
Layla Faarax Xassan oo ka mid ahayd taageerayaasha ugu calculus Xisbiga KULMIYE oo munaasibadaasi ka hadashay ayaa waxay sheegtey inay ka baxday Xisbiga KULMIYE, isla markaana ku soo biirtey Xisbiga UCID “Dabashay ku socotey Xisbiga KULMIYE waxay imika isku bedeshay Xisbiga UCID, markaa dadweynuhu sidaas ha ula socdaan oo ha taageeraan Xisbiga UCID”.Ayey tidhi.

Guddomiye kuxigeenka arrimaha gudaha Xuseen Xasan Bad-maax oo isna halkaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Dhamaan dhalinyarada ka timid daafaha dalka eek u bahowday inay ku soo biiraan Xisbiga Cadaaladda iyo daryeelka gacmo furan iyo qalbi wanaagsan ayaan idin ku soo dhaweynaynaa. Waa ILAAHAY mahadii dhalinyarada oo aragtey cidda aayahooda ka talin karta, tii hore (UDUB) waxa la odhan jirey ha u dhisine ka dhiso, tan maantana uu hogaaminayo Axmed Siilaanyo oo markii hore laga qabay aragti kale, waxa uu isaguna dhalinyaraduu u dhiibay Kiish madhan oo hay’ado ayuu dabo-dhigay”.

Guddoomiyaha garabka Haweenka Xisbiga UCID ee Gobolka Maroodijeex Sahra Xirsi Budul oo munasibadaasi ka hadashay ayaa waxay tidhi “Waxaan si sharaf iyo maamus leh ku soo dhaweynayaa dhalinyarada Xisbiyada kale ka soo baxday ee ku soo biirtey Xisbiga UCID,….Xisbigu cid walba wuu u baahan yahay waxaanan ILAAHAHAY ka baryayaa inuu hogaanka waddanka inoogu dhiibo Jamaal Cali Xuseen”.

Guddoomiyaha Garabka haweenka ee Xisbiga UCID Xaliimo Cismaan Raage oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa waxay tidhi “Waxaan soo dhaweynayaa dhalinyarada ka soo biirtey Xisbiga UCID ee ka kala yimid Arabsiya iyo Xaafada Sheekh Madar, waxa kale oo aan soo dhaweynayaa Garabka haweenka ee ka soo baxay Xisbiga KULMIYE kuna soo biirey Xisbiga UCID waxaanan idinka mahad-celinayaa ku soo biiritaanka aad ku soo biirteen Xisbiga UCID”.
Guddoomiye kuxigeenka kowaad ee Xisbiga UCID Aadan Jaamac Hoori oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu soo dhaweeyey Kooxaha, dhalinyarada, haweenka Xisbiga KULMIY.

Xoghaya arrimaha Gudaha ee Xisbiga UCID Cabdi Maxamuud Saleebaan (Migiste) oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa soo dhaweeyey qeybihii kala duduwana eek u soo biirey Xisbiga UCID “Waxa aad ogaataan murashaxa aad ku soo biirteen ee Xisbiga UCID inuu yahay dhalinyaro, waxaad timaadeen meeshi saxda ahayd,. Dhalinyarooy fartiina ku ciil-baxa oo ku doorta Xisbiga UCID”

Guddoomiye Kuxigeenka sadexaad Xisbiga UCID Cali Gurey oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Maanta waa maalin aad u farxad baddan oo waxaan soo dhaweynayaa garabyadan ku soo biirey Xisbiga UCID, Waxa maanta dhalinyaradii, haweenkii KULMIYE meesha marinayaa wax Ciyaar ah maaha ciddii garanaysa ayaa garanaysa, Ninkii Sakaarada budka ku tuurey waxa uu yidhi ‘Ka Danbaba, annagu is-bedelka aanu ku , baaqaynaa maaha kii uu Xisbiga KULMIYE ku baaqayey doorashadii madaxtooyada ka hor waa is-bedel run ah oo ka turjumaya rabitaanka iyo dareenka dadka. Dhalinyaradu waa hogaamiyayaasha berito,”

Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Ururka SOSYO Xamse Xasan Muuse oo Sheegay inay Ururkoodu ku soo biireen Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID,waxaanu nahay hogaamiyayaashii mustaqbalka dhow, sidaa daradeed Xisbiga UCID ayaanu doorbidnay.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *