Taageerayaal Qaylo Sidii Ay Ugu Wadeen Garoonka Kaga Saaray Dhagahana Ku Dillaacin Gaadhay Weeraryahan Khatar Ah Oo Ay Kooxdooda Uga Cabsi Qabeen Iyo Qisada Ku Duugan

Waa markii ugu horraysay inta la diiwaan geliyey dunida kubadda cagta ee ay farsamo sidan oo kale ah adeegsadaan taageerayaasha koox cabsi weyn ka qabtay weeraryahan kooxda ka soo hor jeeddaa wadatay oo ay ka walaacsanaayeen in uu kooxdooda goolal ka dhaliyo kuwaasi oo bilaabay qorshe layaab leh oo ay mar kasta oo uu weeraryahankaasi kubadda taabtaba ay mar kali ah qaylo aan hore loo arag isku wada daraan sidaana ku khalkhal galiyaan xiddigaasi kuwaasu oo ugu dambayn ku guulaystay in uu laacibkaasi baddal dalbado garoonkana laga saaray isaga oo dhagaha is haya. Kubadda cagtu waa madadaalo qurux badan inkastoo ay laheyd jawi kala duwan haddana da’yarka kooxda reer Jarmal ee RB Leipzing Timo Werner ayaa habeen hore u adkeysan waayay sawaxanka jamaahiirta Besiktas ee dalkaasi Turkiga kulankii ay kooxdiisa qasaaraha kasoo qaadatay Istanbul.
Kooxda Besiktas ayaa gaadhay guushii labaad oo xidhiidh ah tartanka Champions League markii ay 2-0 ku dhufteen kooxda reer Jarmal ee Leipzing oo marti ku aheyd garoonka Vodafone Arena, balse habeen wacan uma aheyn wiilka Jarmalka ah ee Timo Werner kaasi oo la arkayay isaga oo dhagaha gashaday cudbi si uu uga badbaado qaylada dhagaha ka qaadday. 21-jirkan heerka caalami ayaa xamili waayay sawaxanka jamaahiirta Besiktas wuxuuna dalbaday in la siiyo aalad ka hor istaagta inuu maqlo dhawaqa saa’idka ah, balse kama caawin inuu ka dhago la’aado wax walba oo ka dhacaya garoonka. Waxaanay taageerayaasha Turkida ahaa oo tiradoodu ku dhawayd 80-kun oo qof ay mar kali ah isla helayeen qaylo aad mooddo mid argagax leh. Laacibka Timo Werner oo sharaxaya sidii ay wax u dhaceen wuxuu yidhi: “Waligey ma arkin jawi sidan ah nolosheyda, diiraddana ma saari karayn kulan koocan oo kale ah. Waxaan weydiistay in la i siiyo aalad aan dhagta gashado, mana aanay i saacidin, waxaan ahaa mid aan wanaag dareemeynin” ayuu yidhi laacibkani.
Saxaafadda Jarmalka ayaa si weyn u hadal haysay shalay wareerka uu dhexda u galay Werner, taasoo ay ku eedeeyeen iney soo dadajisay guul-darrada kooxda markaas oo ay ka adeegteen Ryan Babel iyo Talisca.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *