Search

Suuqyada Dheemmanta Iyo Macdanaha Qaaliga Ah Oo Wali Hadal Haya Silsiladdii Ugu Qaalisanayd Dunida Oo Dheemman Ka Samaysan

Wakhti dhaqaalaha adduunku sidii uu dhawr sano ahaa ka soo kabanayo oo uu soo dhaamayo walina uu suuqa kala iibsiga macdanaha iyo dhagaxaanta qaalliga ahi hooseeyo ayaa haddana dhinaca kale waxa jira dhawr kiis ama dhacdo oo maalmihii ugu dambeeyey dunida ka dhacay kuwaasi oo ah macdano qaalli ah sida dheemanta oo lacago waalli ah la kala siistay waxaan augu dambeeyey kiiskii dhawr maalmood ka hor lagu kala iibsaday lacagta ugu badan silsilad dheemman ah oo lagu kala tuuray suuqa macdanaha ee dalkaasi Switzerland.
Suuq kuyaala magaalada Geneva ee Switzerland ayaa lagu xaraashay silsilad qoorta lagu xidho oo ka sameysan Dheemman, waxaana silsiladaasi lagu iibsaday lacag aan caadi aheyn oo dad badan layaab ku noqotay.
Silsiladdan ama sida dadka qaarkii u yaqaanaan Katiinadan qoor xidhashada ah oo ka kooban 163 Dhicood oo dheemman ah ayaa lagu iibsaday lacag gaadhaysa 33.7 Milyan oo Dollar, waxaana Dheemmanka silsiladdani ka sameysneyd laga soo ururiyay Qaarada Afrika gaar ahaan dalka Angola oo isagu ka mid ah dalalka Afrika ee qaniga ku ah macdantan dheemmanta ah.
Qofka iibsaday silsiladdan dheemmanta ka sameysan ayaan ilaa hadda la shaacin magaciisa, waxaana silsiladdan oo loogu magacdaray farshaxanka de Grisogono lacagta lagu iibasaday ka badan tahay middii la filayay ama ay ku qiimaysnayd markii hore waxaana loo aqoonsaday macdantii ugu dheemman ahayd ee ugu qaallisanayd in muddo ah.
Silsiladdan lacagta Waallida ah lagu iibsaday waxaa sameeysay shirkadda de Grisogono ee kutaala dalka Switzerland oo ah shirkad ka shaqaysa qaabaynta iyo farsamaynta dhinaca farshaxanta macdanaha qaalliga ah ee la isku qurxiyo, Shirkadan ayaana caan ku ah sameynta dahabka iyo dheemanka.




Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *